Tuesday, March 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Japan oo qorsheynaysa in ay yareyso hawlgalka ay ka waddaan gacanka Cadmeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Japan oo qorsheynaysa in ay yareyso hawlgalka ay ka waddaan gacanka Cadmeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Japan ayaa qorsheynaysa in ay yareyso hawlgalka ay ka wadda gacanka Cadmeed ee xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegtay wakaaladda wararka dalkaasi ee Jiji.

Falalka burcad badeedda ka hawlgasha xeebaha Soomaaliya iyo galbeedka badweynta Hindiya ayaa sanaddadan hoos u dhacay sababo la xiriira ciidamo caalamiga ah ee gaafwareegaya goobaha halista ah.

Related posts

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026

Japan ayaa qayb ka ah hawlgal caalami ah oo ka dhan ah burcad badeedda, waxa ayna hawlgalkaasi ugu deeqday labo diyaaradood oo kuwa basaaska ah iyo labo markab oo ah kuwa dagaalka.

Ciidamada Japan ayaa gacan ka gaysanayay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya badweynta Hindiya.

Wakaaladda wararka ee Japan ee Jiji ayaa sheegtay in mid ka mid ah labadani maraakab hadda lagu celin doono dalka Japan oo uu qayb ka noqon doono ka hortagga halista Kuuriyada Woqooyi.

Arrintan ayaa ku soo beegmayso usbuucyo uun kaddib markii afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Japan uu sheegay in Tokyo ay ka fikirayso in ay ballaariso saldhig milatari oo ay ku leedahay dalka Jabuuti.

Saldhiggaasi oo ah kii ugu horreeyay oo Japan ay ku yeelato dibadda, waxaana ku sugan ciidamo gaaraya ilaa 200 oo askari.

Dalka Jabuuti ayaa sidoo kale waxaa ku yaala saldhigyo milatari oo ay leeyihiin dalalka Mareykanka iyo Faransiiska, halka Shiinahana uu hadda halkaasi ka dhisanayo saldhig.

Previous Post

Ciidamada Ammaanka oo gacanta ku dhigay laba dhagar qabe oo toogasho ku dilay Nin Nabadoon ah(Sawirro)

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka socdo maamulka Koofur Galbeed oo gaaray Xudur.

Next Post

Wasiiro iyo Xildhibaano ka socdo maamulka Koofur Galbeed oo gaaray Xudur.

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo gaaray Baydhabo

March 31, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa ka degay Garoonka Diyaaradaha Shaati Gaduud ee magaalada...

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya oo caawa ciyaar adag la leh xulka Mauritius.

March 31, 2026
0

Ciyaartoyda Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta ayaa caawa 06:00 PM ciyaar adag oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda  abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo ka qayb galay xafladda abaalmarinta barnaamijka “Daaci 2026″

March 31, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qayb galay munaasabadda maamuuska iyo abaalmarinta barnaamijka “Daaci...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Gobolka Shabeellada Hoose oo maamul KMG ah loo magacaabay

March 30, 2026
0

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta XFS oo si KMG ah maamul cusub ugu magcaawday Gobolka Shabeellada Hoose.

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In