Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Kuwait oo shaacisay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonto Soomaaliya “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Kuwait oo shaacisay in mashaariic horumarineed ay ka fulin doonto Soomaaliya “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka Kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Sheekh Cali Jaraax Al Sabaah, kaas oo gaarsiiyay  dhambaal uu ka siday  Madaxweynaha JFS Mudane Maxmed Cabullaahi Farmaajo, kuna socday Amiirka dalkaasi.

Wasiirka ayaa ugu horeyn wuxuu warbixin ka siiyay Wasiirka arrimaha diiwaanka, Horumarka dowladda Soomaaliya ay sameysay iyo cilaaqaadka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyo Dowladaha Soomaaliya iyo Kuwait.

Related posts

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026

Mudane Jamaal Maxmaed Xasan ayaa dowladda Kuwait ujeediyay in mahsaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya inay ka qeyb qaataan, tasoo shaqo abuur u noqanayso dhallinyrada Soomaaliyeed, qeyb wayna ka qaadan doonta horumarka dalka.

Wasiirka arrimaha diiwanka ee dalka Kuwait Shiekh Cali Jaraax Al Sabaah, ayaa balan qaaday in dhambaalka uu gaarsiin doona Amiirka dalka Kuwait, waxaana uu xusay in Soomaaliya ay ka taageeri doonan mashriicada horumarineed ee ay u baahan tahay, iyaddoo loo soo marsiinayo Sanduuqa Horumarinta dhaqaalaha dalka Kuwait.

Dhinac kale Wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Qorsheynta Somaaliya Mudane Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ka qeybgalay shirka madaxda Wasaaradaha Qorsheynta Wadamada Carabta oo maanta ka furmay dalka Kuwait, waxaana shirkaasi uu socon doonaa muddo labo maalin ah.

Waxyaabaha diiradda lagu saari doono shirka waxaa kamid ah howlaha shaqo ee la qaban doona sanadkan iyo sare u qaadista tayada hay’addaha dowladaha carbeed oo ay ka mid yihiin tababaro kala duwan oo la siinayo dhammaan shaqaalaha Dowladaha carbeed.

Wasiir Jamaal, ayaa shirkaasi maalinta barri ah ka jeedin doona khudbad uu kaga hadli doono arrimaha Soomaaliya iyo doorka Soomaaliya kaga aadan waxybaaha sanadkaan la qaban doono.

W/Q: Cabdirashiid Nuur Ibraahiim

Previous Post

Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo bogaadiyay howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan

Next Post

Somalia Launches Digital Outreach Section To Prevent and Counter Violent Extremism

Next Post

Somalia Launches Digital Outreach Section To Prevent and Counter Violent Extremism

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada  Urur-Goboleedka IGAD

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhiga 74-aad ee Golaha Wasiirrada Urur-Goboleedka IGAD

September 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa ka qayb galay Kalfadhiga 74-aad ee...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo qaabilay saddex arday oo kaalmaha hore ka galay tartan caalami ah oo Qur’aan

September 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay saddex arday oo Soomaaliyeed oo...

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare oo xarunta Safaaradda ku qaabishay Safiirka cusub Masar

September 15, 2026
0

‎Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Uganda, Danjire Fardowsa Maxamed Qanyare ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Safiirka Jamhuuriyadda Carabta Masar u...

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

Guddiga Aqalka Sare oo Wasaaradda Deegaanka Su’aalo Ka Weydiiyay Dhisidda Hay’adda Saadaasha Hawada

September 15, 2026
0

Guddiga Khayraadka Qaranka, Kaabayaasha Dhaqaalaha iyo Gaadiidka ee Aqalka Sare ee BJFS, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo, ayaa maanta xafiiskooda ugu...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In