Danjiraha Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya, James P. McAnulty ayaa maanta soo dhaweeyay Golaha Wasiirrada ee Talaadadii uu ku dhawaaqay R/wasaaraha Soomaaliya, mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke.
War-saxaafadeed ka soo baxay qeybta arrimaha Soomaaliya ee safaaradda uu Mareykanka ku leeyahay Nairobi ayaa lagu sheegay inay dowladda Mareykanka amaan u jeedineyso dhamaan dadkii ka qeyb qaatay xallinta khilaafaadkii hareeyay soo xulista iyo magacaabista wasiirrada.
Mareykanka wuxuu xusay maadaama uu yahay saaxiibka Soomaaliya inuu u rajeynayo Soomaalida inay ka gudubto qalalaasaha daba dheeraaday ee dhinaca siyaasadda, oo dib loo xoojiyo dadaallada loogu jiro hiigsiga sanadka 2016.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeedka dowladda Mareykanka waxaa ka goโan inay garab istaagto dowladda iyo shacabka Soomaaliya, ayna sii waddo taageerada ay siiso Soomaaliya si loo gaaro nabadgelyo buuxda, xasillooni iyo barwaaqo.