Saturday, October 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo beenisay eedeeyn uga timid hay’adda Amnesty International

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Masar oo beenisay eedeeyn uga timid hay’adda Amnesty International
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar, Magdy Abdul Ghaffaa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay gabi ahaanba eedaymaha loo jeediyay ee ku aaddan ku xad-gudubka xuquuqda Aadanaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in laamaha amniga ee dalkiisu ay ku shaqeeyaan sharciga u degsan dalkooda balse ayan jirin ku xad gudub ay kula kaceen shacabka reer Masar.

Related posts

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026

Hadalka wasiirka ayaa imanaya markii  hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shaacisay in laamaha ammaanka Masar ay mas’uul ka yihiin dil,Afdub, xarig iyo jir dil joogto ah oo sannadkii tagey 2015-kii ka dhacay dalkaasi.

Tacaddiyadan ayay hay’addu ku sheegtay inay qayb ka yihiin dedaallo ay dowladda Masar ku cabburinayso mucaaridka, dadka la waayeyna ay ku jiraan carruur, arday, siyaasiyiin iyo muwaaddiniin reer Masar ah oo isku dayey inay muddahaaradyo sameeyaan.

Amnesty International ayaa dowladda Masar ku eedeysay kumanaan qof oo ay Ciidamada ammaanku kala baxeen guryahooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin,kuwaasoo qaarkood la waayay halka ay ku sugan yihiin.

Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo C/Fitaax Al-siisii oo talada dalka kala wareegay madaxweynihii sida sharciga loo soo doortay ee Maxamed Mursi sanadkii 2013,ayaa waxay awood ciidan ku maquunisay mucaaridka iyo ururka Iqwaanu Muslimiin oo ay ka mabnuucday dalkaasi.

Previous Post

Hillary Clinton oo tilmaantay Shakhsiga ay Madaxweyne ku xigeen ka dhiganayso

Next Post

SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

Next Post
SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

Shil khasaaro nafeed dhaliyay oo ka dhacay dalka Masar

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Warbaahinta Masar ayaa si rasmi ah u shaacisay in laba qof ay dhinteen, halka 25 qof oo kalena ay...

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Azerbaijan

October 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), ayaa booqasho ku tagay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In