Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Masar oo beenisay eedeeyn uga timid hay’adda Amnesty International

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda Masar oo beenisay eedeeyn uga timid hay’adda Amnesty International
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar, Magdy Abdul Ghaffaa ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay gabi ahaanba eedaymaha loo jeediyay ee ku aaddan ku xad-gudubka xuquuqda Aadanaha.

Wasiirka ayaa tilmaamay in laamaha amniga ee dalkiisu ay ku shaqeeyaan sharciga u degsan dalkooda balse ayan jirin ku xad gudub ay kula kaceen shacabka reer Masar.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Hadalka wasiirka ayaa imanaya markii  hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ay shaacisay in laamaha ammaanka Masar ay mas’uul ka yihiin dil,Afdub, xarig iyo jir dil joogto ah oo sannadkii tagey 2015-kii ka dhacay dalkaasi.

Tacaddiyadan ayay hay’addu ku sheegtay inay qayb ka yihiin dedaallo ay dowladda Masar ku cabburinayso mucaaridka, dadka la waayeyna ay ku jiraan carruur, arday, siyaasiyiin iyo muwaaddiniin reer Masar ah oo isku dayey inay muddahaaradyo sameeyaan.

Amnesty International ayaa dowladda Masar ku eedeysay kumanaan qof oo ay Ciidamada ammaanku kala baxeen guryahooda iyo goobaha ay ku sugan yihiin,kuwaasoo qaarkood la waayay halka ay ku sugan yihiin.

Dowladda Masar ee uu hoggaamiyo C/Fitaax Al-siisii oo talada dalka kala wareegay madaxweynihii sida sharciga loo soo doortay ee Maxamed Mursi sanadkii 2013,ayaa waxay awood ciidan ku maquunisay mucaaridka iyo ururka Iqwaanu Muslimiin oo ay ka mabnuucday dalkaasi.

Previous Post

Hillary Clinton oo tilmaantay Shakhsiga ay Madaxweyne ku xigeen ka dhiganayso

Next Post

SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

Next Post
SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

SAWIRO : Akhriso Warsaxaafadeed ka soo baxay Shirka Kismaayo Ee Siyaasadda Amniga Qaran

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In