Iyadoo wali dagaallo xooggan ay ka socdaan magaalada Qaza ee dhulka Falastiiniyiinta, ayay Dowladda Masar soo bandhigtay qorshe lagu soo afjarayo dagaalkan galay maalintisii 81-aad, laguna gaari karo xabad-joojin labada dhinac dhax marta.
Hindisahan oo loo soo bandhigay Israaโiil, Xamaas, Maraykanka iyo qaar ka mid ah Dawladaha Yurub, ayaa qeexaya in Israaโiil ay si buuxda uga baxdo Qaza, dhanka Xamaasna ay sii dayaan dhamaan Maxabiista ay ka qhaystaan Israaโiil iyaga oo ku bedelanaya maxaabiista ay Israaโiil ka haysato.
Soo jeedintan oo Masar, ay la samaysay Dowladda Qatar, ayaa ka kooban dhowr wareeg oo maxaabiis is dhaafsi labada dhinac ah.
Wejiga koowaad qorshaha ay waddo Masar, ayaa looga dalban doonaa kooxda Xamaas in ay sii daayaanย dhammaan maxaabiista rayidka ah, si ay Israaโiil iyana dhankeeda ay usii deyso ย maxaabiista ay ka hayaan Falastiin.
Qorshaha ayaa qeexaya inta lagu jiro marxaladda labaad, in Xamaas ay siidayn doonta dhammaan dumarka Askarta ah ee Israโiil, si ay u helaan maxaabiis falastiiniyiin ah, taasoo dhaceysa inta lagu guda jiro xabbad-joojinta.
Marxaladda ugu dambeysa, dhinacyada dagaallamaya waxay yeelan doonaan hal bil oo wadahadallo ah si ay uga arrinsadaan sii deynta dhammaan shaqaalaha militariga ee Xamaas ay haysato, iyagoo ku beddelanaya maxaabiis badan oo Falastiiniyiin ah iyo in Israaโiil ay dib ugu baxdo Qaza.