Dowladda Myanmar ayaa burburiyay Masjid weyn oo Taariikhi ah oo ku yaal magaalada lagu magacaabo Mango, talaabadaasi oo la sheegay inay salka ku hayso ololaha baabi’nta meelaha Taariikhiga ah ee Islaamka oo ku yaal dalkaasi Myanmar.
Wakaaladaha wararaka ayaa soo tabiyay in Masjidkaasi ay Ciidamada dalka Myanmar dumiyeen oo dhisnaa in ka badan 100 sano uu ku yaalay Tuulada lagu magacaabo Daarga, kaasoo ay ku cibaadaysanayeen Muslimiinta laga tira badan yahay ee dalkaasi ee Rohingya loo yaqaan waxuuna ku sameysanaa shaminto iyo Dhoobo.
Mid ka mid ah Muslimiinta dalkaasi ee Rohingya ayaa sheegay in Masjidka uu ahaa mid astaan u ah Muslimiinta Rohingya ee dalkaasi Mayanmar lana dhisay ka hor Gumeysigii dalkaasi qabsaday.
Masjidkan ay Ciidamada dalka Mayanmar dumiyeen ka sookow waxaa jiray Masaajidyo kale oo ay burburiyeen ciidamada dalkaasi.