Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Nigeria oo shaacisay in wali la la’yahay Gabdho laga afduubtay iskuulka Dapchi

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Nigeria oo shaacisay in wali la la’yahay Gabdho laga afduubtay iskuulka Dapchi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Nigeria ayaa xaqiijisay in Wali gacanta dagaalyahanada Boko Haram ku maqan yihiin Gabdho Nigerian ah oo gaaraya 110,kuwaasi oo todobaadkii la soo dhaafay laga afduubtay iskuul ay wax ka baranayeen,sida ay Sheegtay Wakaaladda Wararka Dowladda.

Wasiirka Warfaafinta iyo dhaqanka dalka Nigeria, Alhaji Lai Mohammed ayaa ku dhawaaqay Axadii shalay in 110-Gabadho ee laga afduubtay iskuulka Dapchi wali la la’yahay,sida lagu qoray Wakaaladda Wararka Nigera ee MAN.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

Gabadhaha iskuulka dhiganayay ayaa la afduubtay ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen Iskuulka Dowlada ee Cilmiga iyo Techlogiyada (Science and Technical College) oo ku yaalo magaalada Dapchi,ee Waqooyi bari Gobolka Yobe 19-kii bishan February.

Ku dhawaad 906-arday ayaa ku sugnaa Iskuulka xilligii weerarka uu dhacayay,sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta ee Nigeria Mr. Mohamed.

“ Ciidamada amaanka waxay u dhaqaaqeen sidii ay u baadi goobi lahaayeen Gabdhahaasi,”sida uu Wasiirka sheegay,ka dib kullan dhexmaray Mas’uuliyiinta maamulka Gobolka iyo Saraakiisha Federaalka ee magaalada Damaturu ee ka tirsan Gobolka Yobe.

Ciidamo Boolis iyo kuwo Madani ah ayaa lagu kordhiyay iskuulada Waxbarasho ee Gobolka Yobe si ay u difaacaan.

Diyaaradaha Qumaati u kaca ee loo yaqaano Helicopters ayaa ka qeyb qaadanaya baadi goobta Gabdhaha laga afduubtay iskuulka,waxaana madaxweynaha dalkaasi Mahamudu Buhari uu amray in sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta Boko Haram looga soo soo saaro Gabdhaha.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Xaalad Biyo yari aad u daran oo ka jirta magaalada Baydhabo

Next Post
Maamulka Galmudug oo ku baaqay in gurmad loo fidiyo dad ay biyo la’aan haysato

Xaalad Biyo yari aad u daran oo ka jirta magaalada Baydhabo

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In