Tuesday, September 15, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dib u soo celisay in ka badan 140 muwaadiniin ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo dib u soo celisay in ka badan 140 muwaadiniin ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo kaashaneysa Midowga Yurub iyo Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM, ayaa soo dhaweysay 147 tahriibayaal Soomaali ah oo dib uga soo laabtay dalka Liibiya, iyadoo la raacayo hindise loogu magac daray dib u celinta bani’aadantinimada ee Voluntary Humanitarian Return (VHR).

Diyaaradda ayaa markii hore ku degtay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay kaga soo degeen 31 tahriibayaal ah, ka hor inta aysan u soo gudbin Muqdisho oo ay keentay 116 tahriibayaal ah.

Related posts

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026

Dadka soo laabtay ayaa waxaa si heer sare ah usoo dhaweeyay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Agaasimaha Waaxda Yurub iyo Ameerika,  Danjire Yoonis Xaashi oo wakiil ka ah Wasiirka Arrimaha Dibadda oo ay wehliyaan Safiirka Soomaaliya ee Liibiya Cabdi Aadan, Ergeyga Gaarka ah ee Socdaalka iyo Qaxootiga ee Madaxweynaha Soomaaliya Marwo Maryam Yaasiin, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Karin Johansson iyo ku xigeenka madaxa IOM ee Soomaaliya Prestage Murima.

Danjire Yoonis Xaashi oo ku hadlayay magaca Wasiirka ayaa yiri: “Dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka heleysa Midowga Yurub iyo IOM waxay xaqiijineysaa in muwaadiniinteenu ay si sharaf leh dalkooda ugu soo laabtaan iyo taageerada loo baahan yahay si dib loogu dhiso noloshooda”.

Duulimaadkan ayaa noqonaya midkii saddexaad ee VHR ee muddo laba bilood gudahood ah, taasoo ka dhigaysa tirada guud ee muhaajiriinta Soomaalida ah ee lagu celiyay 844 ee mashruuca MPRR-SSA, oo ay maalgelisay Midowga Yurub, ayna maamusho IOM.

Soogalootiga soo laabanaya waxay helayaan taageero degdeg ah, oo ay ku jiraan deeqo lacageed, gargaar caafimaad iyo gaadiid, oo ay weheliso barnaamijyo Shaqa abuur ah si ay noloshooda u maareeyaan.

Dowladda Federaalka waxaa ka go’an ilaalinta sharafta iyo wanaagga dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayiran dibadda.

Previous Post

Soomaaliya iyo Thailand oo xoojinayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal

Next Post

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Next Post
Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

Soomaaliya oo martigelisay Wafdi Heer Sare ah oo ka socda Dalka Tanzania

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

DFS oo ka qaybgashay Shirweynaha 4-aad ee caalamiga ah ee Anshaxa Garaadka Macmalka

September 15, 2026
0

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Cusmaan Diiriye, ayaa ka qaybgalaya Shirweynaha 4-aad ee UNESCO...

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka XDS oo gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud

September 15, 2026
0

Taliyaha Guutada 77-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Korneyl Maslax Maxamuud Maxamed, ayaa gaaray deegaanka Masagawaa ee Gobolka Galgaduud, halkaas...

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

Madaxweynaha Mauritania oo Wasiir Mukhtaar Roobow ka guddoomay fariin uu ka sido Madaxweyne Xasan Sheekh

September 15, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Islaamiga ee Mauritania Maxamed Waled Sheeikh Alqazwaani ayaa ka guddoomay Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka XFS Sheekh Mukhtar...

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

Danjirayaasha Soomaaliya iyo Jamhuuiryadda Kuuriya oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xiriirka Labada Dal

September 14, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Kuuriya u fadhiya Kenya iyo Soomaaliya ahna Mudane Kang Hyung-Shik, ayaa booqasho shaqo ku yimid xarunta Safaaradda Soomaaliya...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In