Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
May 6, 2021
in Wararka
0
Dowladda oo dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee kala dhexeeyay Kenya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd dowladda Kenya kaddib wada hadal mira dhal ah oo ay yeesheen madaxda labada dal.

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Sheekh Al-Cadaala oo goordhaw la hadlay Warbaahinta ayaa ku dhawaaqay in iyada oo la ilaalinayo daris wanaagga iyo xiriirka soo jireenka ah ee labada dal la gaaray go’aankaan.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Hadaba halkan ka akhriso War-murtiyeedka

War-murtiyeedka wadajirka ah ee dib-u-soo-celinta xiriirka diblomaasiyadeed ee soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay iyadoo la ilaalinayo danaha deris wanaaga, ku dhawaaqaysaa in ay dib u soo celisay xiriirkii diblomaasiyadeed ee ay la lahayd Jamhuuriyadda Kenya.

Dowladda Jamhuuriyadda Kenya waxay soo dhawaynaysaa tallaabadan lagu ilaalinayo danaha daris-wanaagga labada dal.

Labada dowladood waxay ku heshiiyeen in la ilaaliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee labada dal iyadoo lagu saleynayo mabaadi’da is-ixtiraamka ee madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed, faragelin la’aanta arrimaha gudaha ee labada dhinac, sinnaanta, wax wada qabsiga iyo nabad ku wada noolaanshaha

Madaxweynayaasha labada dal waxay Amiirka Dowladda Qatar uga abaal hayaan, ugana mahadcelinayaan dadaalkii uu ka geystay arrintan.

Previous Post

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Gaalkacayo oo tababar loo soo xiray “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Waxbarashada oo Aalladda fogaan aragga kula kulmay bahda deeq-bixiyayaasha Mashruuca  GPE

Next Post
Wasiirka Waxbarashada oo Aalladda fogaan aragga kula kulmay bahda deeq-bixiyayaasha Mashruuca  GPE

Wasiirka Waxbarashada oo Aalladda fogaan aragga kula kulmay bahda deeq-bixiyayaasha Mashruuca  GPE

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In