Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo digniin u dirtay Maraakiib si sharci darro ah biyaha dalka uga kalluumeysta

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo digniin u dirtay Maraakiib si sharci darro ah biyaha dalka uga kalluumeysta
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin u dirtay Maraakiibta  sida sharci darrada ah biyaha dalka uga kalluumeysta.

Wasiirka kalluumeysiga iyo Khayraadka badda, Xildhibaan Cabdullaahi Bidhaan Warsame ayaa digniin u diray Maraakiib laga leeyahay Waddamada Iiraan iyo Pakistan oo si sharci darro ah uga kalluumeysta biyaha dalkeenna.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Waan uga digeyntaa maraakiibtaasi inay si degdeg ah Waddanka uga baxaan wixii awooda ee aan saari karno iyo soo qab-qabashadoodana waan ka shaqeyneynaa. Waxaan u baahannay in cid kasta oo naga caawin karta inay naga caawiso sidii loo qaban lahaa maraakiibtaas” ayuu yiri wasiirka kalluumeysiga DFS oo wareysi siiyay warbaahinta qaranka.

Markaakiibtaasi oo ah 43 markab ayuu sheegay Wasiirku inay badankood ku jiraan Xeebaha Galmudug iyo Puntiland, ayna sababi karaan in mar kale ay burcad badeednimadii xoogeysato, waxa uuna ciidamada la dagaallanka burcad badeedda ugu baaqay in dowladda ka caawiyaan xogta rasmiga ah ee maraakiiba sida sharci darrada ah uga jillaabayana biyaha dalka.

Dowladda Soomaaliya oo sannadkii hore doomo kalluumeysi siisay shatiyo ay kalluunta Tuna uga jillaaba karaan biyaha dalka ayaa xoogga saareysa in badaha dalku ay u noqon amni shirkadaha kalluumeysiga caalamku ay ugu soo dhiirradaan inay si sharci ah uga kalluumeystaan, shacabka iyo dowladda Soomaaliyeedna ay faa’iido uga helaan.

Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo shir-guddoomiyay Shirka Amniga

Next Post

Hirshabeelle oo caawinaysa Kalluumeysatada degmada Cadale

Next Post
Hirshabeelle oo caawinaysa Kalluumeysatada degmada Cadale

Hirshabeelle oo caawinaysa Kalluumeysatada degmada Cadale

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In