Monday, October 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19

admin by admin
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Eng. Cabdullaahi Cali Xasan, ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay in hantidooda ay uga qayb qaataan qorshaha xakameynta COVID-19, sidoo kale ay ku dadaalaan inaan sare loo qaadin qiimaha la kala siisto badeecada gaar ahaan cunnada aasaaska u ah nolosha bulshda iyo inay ku tarsamaan wax soo saarka gudaha si looga maarmo ku tiirsanaanta cunnada dibadda laga soo dhoofiyo.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan waxuu sheegay in xukuumaddu ay xooggeeda isugu geysay in ganacsatada loo fududeeyo wax kasta oo qayb ka qaadan kara horumarinta ganacsiga, cunnada qaarna cashuur dhaaf iyo canshuur dhimis loogu sameeyay, sabab la xariirta in dadka nugul aysan dareemin saameynta ka dhalaneysa tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19.

Related posts

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026

Dhanka kale, Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada, Fowsiya Abiikar Nuur, oo sheegtay in dib-u-dhis ballaaran lagu wado Isbitaal Banaadir, qaybta loogu tala galay la tacaallida COVID-19, ayaa u mahad celisay shirkadda Isgaarsiinta Horumuud oo bixineysa qarashaadka ku baxay dib-u-dhiska.

Maamullada Isbitaallada gaarka loo leeyahaya ayey wasiirku ugu baaqday inay bukaannada si wanaagsan u qaabilaan, baaritaan marsiiyaan iyaga oo taxadaraya, bukaankii ay ka shakiyaanna ay ku wareejiyaan qaybka ku shaqada leh la tacaallidda cudurka COVID-19, si looga baaqsado in qof Soomaaliyeed uu dhibaato usoo gaarto daryeel xumo.

Tala-bixiyaha caafimaad ee COVID 19, Dr Maxmed Cali Fuje, ayaa bulshada kula darmaarmay inay qaataan tillaabooyinka caafimaad, si ay qayb uga noqdaan qorshaha xakameynta cudurka dilaaga ah “Walaalayaal COVID19 Hargab daran ma aha. Waa xanuun halis ah, Waa xanuun wata qandho daran, cune xanuun iyo in uu marka dambe qofku neefsan waayo oo sambabadu istaagaan, taas oo keeneysa geeri”, ayuu yiri Dr. Fuje

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, oo maanta kulan la qaatay safiirrada dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya iyo wakiillada hey’adaha caalamiga ah ee dalka ku sugan ayaa ku war geliyay in dhammaan barnaamijyadii qorsheysnaa ee dowladda lagu caawinayay loo leexiyo wax ka qabashada cudurka halista ah ee COVID-19 iyo caawinta dadka nugul ee saameynta ay ku yeelanayaan tillaabooyinka lagu xakameynayo cudurka.

Previous Post

Wasaaradda Caafimaadka XFS oo isbitaallada Fartay in ay qaabilaan bukaannada u baahan daryeelka.

Next Post

Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Next Post
Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

Hay’adda NISA oo war ka soo saartay falal hubeysan oo lagula kacay ciidamada Ilaalada Shacabka

October 11, 2026
0

Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) waxa ay ka xun tahay, si adagna u cambaareyneysaa weerarrada iyo falalka hubeysan ee...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In