Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19

admin by admin
April 21, 2020
in Wararka
0
Dowladda oo Si Dhammeystiran U Qalabeysay Isbitaalka Martiini Ee Loo Asteeyay Daweynta Bukaannada COVID19
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Soomaaliya oo ku dadaaleysa in sida ugu habboon uguna dhaqsaha badan loo xakameeyo cudurka CODIV-19, ayaa qalabkii caafimaad ee loo baahnaa u dhammeystirtay isbitaalka Martiini ee loo asteeyay in lagu daweeyo bukaannada uu soo rito cudurka safmareenka ah ee dunida oo dhan dhibaatada badan ku haya.

Dowladda ayaa maanta qolalka xaaladda degdegga ah (ACU) ee Isbitaalka ku xirtay Labaatan (20) sariirood oo loo dhammeestiray dhammaan qalabkii loo baahnaa si loogu xanaaneeyo dadka xaaladoodu aadka u adagtahay.

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Isbitaalka waxaa sidoo kale laga howl geliyay Dhaqaatiir iyo kalkaaliyaal leh dhammaan takhasusyada loo baahanyahay oo ay kamid yihiin 10 dhaqtar iyo 10 kalkaaliye oo Isbitaalka digfeer horay uga shaqeyn jiray, hadana qayb ka qaadanaya xakameynta COVID-19, waxaa sidoo kale dhawaan ka howl billaabaya la taliyaal sare oo caafimaad oo ku takhasusay maareynta cudurrada faafa iyo cudurrada neef mareenka.

Isbitaalka oo lagu howl billaabay March 16, 2020 ayaa lagu qaabilay 218 Bukaan oo 21 kamid ah la jiifiyay. Afar kamid ah bukaannadii la jiifiyay ayaa cudurka ayaa ka bogsooday dibna looga saaray, waxaana xilligaan jiifa 17 bukaan oo xaaladooda lagula tacaalayo, kuwaas oo uu kamid yahay Bashiir Qaasim Maxamed oo caddeeyay inuu ka helay adeegya caafimaad oo tayo keh.

Dowladda oo caddeysay in horumarinta lasii wadayo, ayaa bulshada ugu baaqday inay qaataan talooyinka caafimaad maadaama marka uu Xanuunka soo rito dadka qaba xauunnada raaga ay wax ka qabashadoodu adagtahay.

Previous Post

Dowladda Oo Ganacsatada Ugu Baaqday Inay Safka Hore Ka Galaan Qorshaha Kahor Taggga COVID-19

Next Post

Dhimashadii ugu badneed oo karoona fayris ah iyo kiisas horleh

Next Post
Dhimashadii ugu badneed oo karoona fayris ah iyo kiisas horleh

Dhimashadii ugu badneed oo karoona fayris ah iyo kiisas horleh

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In