Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo ku baaqday in la joojiyo dagaalada ka socdo Gaalkacyo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo ku baaqday in la joojiyo dagaalada ka socdo Gaalkacyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” oo la hadlay Warbaahinta Qaranka ayaa ku baaqay in si dhaqso ah loo jooji dagaalada ka soo cusboonaaday Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay aad uga xuntahay dirirta u dhexeysa dadka walaalaha ah ee wada daga deegaannada gobolka Mudug, waxa uuna ugu baaqay in si dhaqso ah loo joojiyo colaadahaas, maadaama ay dhalinayaan dhiilo colaadeed oo intaan ka badan.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

“Dowladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay kana digeysaa in colaad laga dhex huriyo dadka walaalaha ah ee wada daga gudaha magaalada Gaalkacyo. Sidoo kale dowladdu waxa ay madaxweynayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland, wasiirada salaadiinta iyo waxgaradka ugu baaqeysaa in ka shaqeeyaan joojinta colaadaha sii huraya ee ka jirta gobolka Mudug, si dib loogu soo celiyo wadanoolaanshihii iyo isusocdka bulshada” ayuu yiri, Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye”.

Wasiirka ayaa ugu danbeyntii tilmaamay in dowladda ay waqti badan galin doonto sidii xal waara looga gaari lahaa dagaalada ku soo noq noqday deegaanada gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Previous Post

Liiska ergadii dooran lahayd 128 xildhibaan oo loo soo gudbiyey guddiga doorashooyinka dadban.

Next Post

Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyo oo ka qayb galay Xuska aasaaskii baarlamaanka Masar “SAWIRRO”

Next Post
Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyo oo ka qayb galay Xuska aasaaskii baarlamaanka Masar “SAWIRRO”

Xildhibaano Ka tirsan baarlamaanka Soomaaliyo oo ka qayb galay Xuska aasaaskii baarlamaanka Masar "SAWIRRO"

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In