Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Mas’uuliyiin ka socota xukuumadda oo ay hoggaaminayen howl-wadeenno ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa maanta qalab caafimaad iyo dawooyin gaarsiiyay degmada Xudur ee gobalka Bakool, si sare loogu qaado awoodda la tacaalidda xanuunka COVID-19.

Qalabka caafimaad iyo dawooyinka oo lagu wareejiyay wasaaradda caafimaadka Koonfur Galbeed, Maamulka gobalka Bakood iyo maamulka degmada Xudur, waxaa kamid ah  Maaskaro iyo dharka ay xirtaan howl-wadeennada ka howl gala xarumaha lagu daweeyo bukaannada la xanuunsan Feyruska Karoona.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Wasiirka caafimaadka Koonfur Galbeed, Maxamed Cusmaan Xaaji, Guddoomiyaha gobalka Bakool, Maxamed Cabdi Maxamed (Tall), iyo guddoomiyaha degmada Xudur, Maxamed Macallim Axmed, ayaa ka mahad celiyay dawada iyo qalabka caafimaad ee dowladda federaalku ku wareejiyay.

Howl-wadeennada farsamo ee ka socda Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ee Xudur geeyay taageerada xukuumaddu ku xoojineysay awoodda xakameynta Feyruska Karoona ayaa sidoo kale socdaalkoodu salka ku hayay inay Qiimeyn ku sameeyaan xaaladda guud iyo xarumaha loo qorsheeyay in dadka lagula tacaalo, si loo ogaado baahida jirta, looguna qorsheeyo taageerada dheeraadka ah ee ay u baahanyihiin.

Dowladda federaalka ayaa horay qalab caafimaad iyo dawooyin u gaarsiisayay degmooyin iyo goballo ka tirsan dowlad gobaleedyada dalka si sare loogu qaado dadaallada kahor tagga iyo xakameynta xanuunka COVID19 ee dhibaatada ku haya dunida oo dhan.

Tags: Dowladda oo Qalab Caafimaad iyo Dawooyin Gaarsiisay Degmada Xudur ee Gobalka Bakool
Previous Post

Madaxweynaha Galmudug oo shaaciyey in ay Deegaanada Galmudug hub aruurin ka sameynayaan.

Next Post

Taliska ciidanka ilaalada nabad-gelyada wadooyinka oo ka digay xad gudubka sharuucda+sawirro

Next Post
Taliska ciidanka ilaalada nabad-gelyada wadooyinka oo ka digay xad gudubka sharuucda+sawirro

Taliska ciidanka ilaalada nabad-gelyada wadooyinka oo ka digay xad gudubka sharuucda+sawirro

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In