Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay soo dhoweyneysaa dib u bilaabashada mashaariicda horumarineed ee horay uga socday Puntland, oo ay ku jiraan mashruuca Barwaaqo iyo mashruuca Adkeysiga Nidaamka Cuntada (SFSRP).
Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax (Beenebeene) oo shir saxaafadeed ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’antahay in aan la siyaasadayn mashaariicda gargaarka iyo kuwa horumarinta ee ka socda dalka oo dhan.