Friday, June 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Shirka Xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika oo lagu qabtay Nairobi

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
2 years ago
in Wararka
0
Shirka Xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika oo lagu qabtay Nairobi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda XFS mudane Maxamed Aadan Macalin Cali (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) iyo Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa si wadajir ah Magaalada Nairobi ugu furay Shirka Xoojinta Mashruuca isku xirka dhijitaalka ee Bariga Afrika.

Ujeedka Shirkaan oo ah in gobolka Bariga Afrika yeesho xiriir iskaashi oo ku saabsan dhanka isku-xirka isgaarsiinta, horumarinta ganacsiga, la tacaalidda musiibooyinka deegaanka iyo is-dhexgalka dhaqaalaha.

Related posts

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda Soomaaliya Maxamed Aadan Macalin Cali ayaa sharxay muhiimadda uu leeyahay Mashruucaan, Maadaama uu kaalin ka qaadan doonaa is-dhexgalka xiriirka ganacsiga, xogta isku gudubka xuduudaha iyo Isku-xirka Internetka.

Madaxa Bangiga Adduunka ee Soomaaliya Kristina Svensson ayaa bogaadisay heerka uu soo gaaray Mashruucaan marka loo eego Wadamada uu ka socdo, waxa ayna u Mahadcelisay Wasiirka Isgaarsiinta dadaalka uu ugu jiro ka miro dhalintiisa.

Sidoo kale Shirkaan waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Hey’adda Saybarka, Maareeye ku-xigeenka Hey’adda Isgaarsiinta Qaranka, Madaxa Mashruuca EA-RDIP iyo Mas’uuliyiin kale.

Wasaaradda Isgaarsiinta ayaa waxa ay waddaa dadaal looga faa’iideysanayo baahinta internetka si kor loogu qaado Dhaqaalaha iyo Horumarka Dalka.

Previous Post

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Boqorka Norway

Next Post

Dowladda oo soo dhaweysay dib u bilaabashada mashaariicdii ka socotay Puntland

Next Post
Dowladda oo soo dhaweysay dib u bilaabashada mashaariicdii ka socotay Puntland

Dowladda oo soo dhaweysay dib u bilaabashada mashaariicdii ka socotay Puntland

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

Ururka Goboleedka IGAD oo taageeray midnimada Soomaaliya

June 18, 2026
0

Xoghaynta Ururka Goboleedka IGAD ayaa adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Fanaaniin iyo Asad Hagio

June 17, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay fanaanka Saalax Sanaag, Abwaan Cabdiraxmaan...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Khudbad ka jeediyey Shirka OOC11

June 17, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta khudbad ka jeediyay Shirweynaha 11-aad ee Our Ocean...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar ee Afrika

June 17, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In