Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda oo soo dhaweysay in Zakiriye laga saaro liiska argagixisada ee ay Mareykanku baadi goobayaan

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dowladda oo soo dhaweysay in Zakiriye laga saaro liiska argagixisada ee ay Mareykanku baadi goobayaan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii dowladda Mareykanka ay Zakariye Ismaaciil Xirsi oo loo yaqaan Zaki, kaga saartay liiska dadka madaxooda lacagaha abaalmarinta ah la dul dhigay, kaddib markii uu ka soo goostay kooxdaasi kalhore.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Qaranka ayaa lagu sheegay in talaabadaasi ay ku timid wada hadal dhexmaray dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, si loo xaqiijiyo, looguna abaalmariyo go’aanka uu qaatay ee uu kaga haray xoog wax ku raadinta, diidista fikradaha kooxda Al-Shabab iyo isagoo si rasmi ugu biirey hanaanka nabadda, kuwaas oo ah shuruudaha ugu muhiimsan ee laga doonayo inay fuliyaan shakhsiyaadka ka soo goosanaya Al-Shabab. Zakariya Ismaaciil waxaa uu si aan leexleexad lahayn bulshada Soomaaliyeed ugu muujiyey inuu shuruudahaasi buuxiyey, oo uu isaga soo tegay kooxda Shabaab.
Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelisay dowladda Mareykanka iyo dowladaha kale ee kala dhexeeya iskaashiga ku aadan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab, iyo ka qeyb qaadashada dib u dhiska Soomaaliya.

Related posts

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026

War-saxaafadeedka ayaa lagu yiri “Waxaa ay dowladda mar kale fariin u direysaa kuwa weli ku dhex xaniban ururka Al Shabaab ha noqdeen hoggaamiyeyaal ama Maleeshiyaadka caadiga ah haddii ay doonayaan inay isaga haraan dagaalka iyo xoog wax ku raadinta, isla markaana ay si cad u diidaan fikirka qaldan ee Al Shabaab, in markaasi la siin doono fursad ay qeyb uga noqdaan bulshadooda, ayna ka qayb qaataan dib u dhiska Soomaaliya”

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya waxa ay xaqiijineysaa in ay taageero u fidin doonto maleeshiyaadka ka soo goosta kooxda Shabaab, si ay dib ugu soo biiraan shacabka, waxaana ay horey sidaan oo kale fursadda u helay in liiska argagixisada ah laga saaro Sheekh Maxamed Saciid Atom oo kal hore isu soo dhiibay dowladda Soomaaliya.

Previous Post

Barcelona oo Qabatay Hogaanka Horyaalka Spain iyo Messi oo hat-trick Dhaliyay ” SAWIRRO”

Next Post

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Next Post
Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Gudoomiyaha Baarlamaanka “Haweenka Soomaaliyeed Waan Ku Ammaanayaa Doorka Siyaasadda Iyo Hormarka Dalka Ku Leeyihiin” VIDEO

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In