Sunday, July 26, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare u qaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM  fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Related posts

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026

Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.

Al-Suwaidi ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ku nuux nuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka COVID-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.

Bayaanka Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.

Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

Shirka u-diyaargarowga Super El Niño iyo Ka-qaybgelinta Ururrada oo lagu qabtay Muqdisho

July 26, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa maanta daah-furay shir wadatashi qaran oo ku saabsan...

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

Madaxda Dekadda Muqdisho oo kulan la qaatay wafdi ka socday Turkiga

July 26, 2026
0

Maamulka Dekedda Muqdisho, oo uu hoggaaminayo Maareeyaha Guud Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo ay weheliyaan Maareeye Ku-xigeennada Dr. Cali...

Soomaaliya oo  Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

Soomaaliya oo Hambalyo u dirtay Jamhuuriyadda Maldives

July 26, 2026
0

Munaasabadda 61-guurada ka soo wareegtay Xorriyadda Jamhuuriyadda Maldives awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya...

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

Wafdi uu hoggaaminayo musharrax hoggaamiye Liibaan Axmed oo lagu soo dhaweeyay degmada Ceeldheer

July 26, 2026
0

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, ayaa maanta gaaray Degmada Ceeldheer ee Gobolka Galgaduud....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In