Saturday, July 19, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
October 7, 2021
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo kordhisay taageeradeeda Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Qadar ayaa sheegtay in ay sare u qaadday taageeradii iyo xiriirkii walaaltinimo ee kala dhaxeeyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Bayaan ay fadhiga 48-aad ee golaha xuquuqul Insaanka Jimciyadda quruumaha ka dhaxaysa ka jeedisay Marwo Jawhara Al-Suwaidi, oo ah Ku-xigeenka wakiilka Joogtada ah ee Dowladda Qadar ee QM  fadhigeeduna yahay Geneva ayaa lagu sheegay inay sii wadayaan bixinta gargaarka iyo taageeridda mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya.

Related posts

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025

Wakiilka ayaa si gaar ah diiradda u saartay dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, xoojinta awoodda laamaha ammaanka iyo bixinta taageero siyaasadeed, si loo xaqiijiyo madaxbannaanida, midnimada iyo wada jirka dhuleed ee dalka.

Al-Suwaidi ayaa sheegay in Dowladda Qadar ay ku nuux nuuxsanayso caqabadaha hortaagan iyo khataraha dhanka amniga, argagixisada, faafitaanka COVID-19, abaaraha, fatahaadaha iyo waxyaabo kale.

Bayaanka Dowladda Qadar ayaa lagu sheegay muhiimadda sida loogu baahan yahay dhammaan dhinacyada Soomaalida inay is-xakameeyaan, oo ay sii wadaan wada-xaajoodka Qaran, iyagoo ay ka go’an tahay inay qabtaan doorashooyin nabdoon, hufan, loo dhan yahay oo lagu kalsoonaan karo waqtigii loogu talagalayna ku qabsooma.

Ugu dambayn bayaanka ayaa lagu sheegay inay tallaabooyinkaasi qayb ka noqon karaan diyaarinta Jawiga ku habboon iyo fulinta qorshayaasha iyo barnaamijyada, gaar ahaan kuwa la xiriira kor u qaadista iyo ilaalinta xuquuqda Aadanaha.

Previous Post

Madaxweynaha Jubbaland oo shir guddoomiyay kulanka golaha Wasiirada “SAWIRRO”

Next Post

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Next Post
Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhigga oo booqday Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Dalka Itoobiya

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

Madaxda Dowladda iyo Gobolka Banaadir oo boogaadiyay ololaha is-diiwaangalinta ee ka socda Muqdisho

July 18, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka, Maxamed Cali Xagaa iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa ka qeybgalay xaflad ka dhacday...

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

Madaxweyne Dr. Xasan Sheikh oo booqday Xarunta Tiknoolajiyadda Bayraktar (WARBIXIN)

July 18, 2025
0

Soomaaliya ayaa heshay Diyaarado aan duuliyaha laheyn, iyo kuwa Qumaatiga u kaca ee Helicopteriska ah, kuwaasi oo qeyb ka qaadan...

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

Turkiga oo sheegay in Israel ay wiiqayso dadaallada dib u dhiska ee Suuriya

July 18, 2025
0

Ergayga Qaramada Midoobay ee Turkiga Ahmet Yildiz ayaa si kulul u cambaareeyay weerarrada joogtada ah ee Israa’iil ay ka geysanayso...

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee XFS oo la kulmay madaxda Safaaradda Soomaaliya ee Aljeria

July 18, 2025
0

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Saciid Maxamed Maxamuud, ayaa booqasho shaqo ku tagay xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In