Wednesday, January 21, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani,  ayaa sheegay in dowladda Qatar mudnaan siineysaa maalgelinta waxbarashada  wadama  ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah .

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed  ayaa maanta  ka jeedinayay khudbad munaasabad heer sare loo soo agaasimay ee lagu xusaayay maalinta
caalamiga ah ee kahortaga xadgudubka waxbarashada, taasoo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada samafalka ee waxbarashada sare ee Qatar ,UNICEF iyo UNESCO.

Related posts

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026

Sidoo kale  Sheikh Mohammed  ayaa tilmaamay in munaasabadan ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu baaqayo in la joojiyo xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada iyo
rabshadaha hubeysan ee ay la kulmaan ardayda, macallimiinta, iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarasho ee adduunka oo dhan, .
Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed sheegay in Dawladda Qatar ay rajaynayso in ardayda iyo dhalinyarada lagu wacyigaliyo munaasabada
maalindan caalamiga  taaso u jeedadeedo tahay in la iska kaashado qaabkii loo joojin lahaa  xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay tahay aalad wax ku ool ah kana qaybqaadan karta horumarka , barwaaqada,  dib u dhiska dhaqaalaha iyo  bulshooyinka ay
burburiyeen iskahorimaadyada iyo dhibaatooyinka, wuxuuna sheegay in cudurka faafa ee karoona (Covid 19) uu muujiyey sinnaan la’aanta ka jirta qaab dhismeedka tacliinta ee waddamada qaar, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in wax looga qabto, sidii carruur iyo Dhallinyaradba.

Gabagabadii  Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed  ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay safka hore kaga jirto siyaasada Qadar,wuxuuna yiri “Dowlada Qatar waxay sii wadi doontaa balanqaadkeeda ah
in waxbarashada la gaadhsiiyo malaayiin caruur ah oo danyar ah, lana ilaaliyo xarumaha waxbarashada”.

Tags: Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah
Previous Post

Wafdi ka socda Jabuuti oo socdaal qiimayn ah ku tagay Hobyo

Next Post

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Next Post
Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

Golaha Shacabka ee BFS oo Ansixiyay Heshiiska Dhismaha Urur Goboleedka IGAD.

January 21, 2026
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah yeeshay, kaas oo ajandihiisu ahaa ka doodista...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dalka Pakistan.

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Cali Yuusuf Cali (Cali-Xoosh), iyo wafdi sare oo uu...

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee JFS oo ka warbixiyay kulanka isu-duwidda Hay’adaha Dowladda oo ka furmaya Muqdisho.

January 21, 2026
0

Ku-xigeenka Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mukhtaar Maxamed Abuukar, ayaa ka warbixiyay kulanka muhiimka ah ee isu-duwidda hay’adaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

Wasiirka Warfaafinta XFS oo shacabka ugu hambalyeeyay maalinta Warfaafinta Soomaaliyeed.

January 21, 2026
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa hambalyo diirran u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In