Friday, September 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Mudane Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani,  ayaa sheegay in dowladda Qatar mudnaan siineysaa maalgelinta waxbarashada  wadama  ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah .

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed  ayaa maanta  ka jeedinayay khudbad munaasabad heer sare loo soo agaasimay ee lagu xusaayay maalinta
caalamiga ah ee kahortaga xadgudubka waxbarashada, taasoo ay soo qabanqaabiyeen hay’ada samafalka ee waxbarashada sare ee Qatar ,UNICEF iyo UNESCO.

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Sidoo kale  Sheikh Mohammed  ayaa tilmaamay in munaasabadan ay tahay munaasabad muhiim ah oo lagu baaqayo in la joojiyo xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada iyo
rabshadaha hubeysan ee ay la kulmaan ardayda, macallimiinta, iskuulada iyo xarumaha kale ee waxbarasho ee adduunka oo dhan, .
Waxa uu Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed sheegay in Dawladda Qatar ay rajaynayso in ardayda iyo dhalinyarada lagu wacyigaliyo munaasabada
maalindan caalamiga  taaso u jeedadeedo tahay in la iska kaashado qaabkii loo joojin lahaa  xadgudubka waxbarashada ula kaca ah ee lala beegsanayo waxbarashada.

Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay tahay aalad wax ku ool ah kana qaybqaadan karta horumarka , barwaaqada,  dib u dhiska dhaqaalaha iyo  bulshooyinka ay
burburiyeen iskahorimaadyada iyo dhibaatooyinka, wuxuuna sheegay in cudurka faafa ee karoona (Covid 19) uu muujiyey sinnaan la’aanta ka jirta qaab dhismeedka tacliinta ee waddamada qaar, iyo baahida degdegga ah ee loo qabo in wax looga qabto, sidii carruur iyo Dhallinyaradba.

Gabagabadii  Ra’iisul Wasaaraha Sheikh Mohammed  ayaa carabka ku adkeeyay in waxbarashadu ay safka hore kaga jirto siyaasada Qadar,wuxuuna yiri “Dowlada Qatar waxay sii wadi doontaa balanqaadkeeda ah
in waxbarashada la gaadhsiiyo malaayiin caruur ah oo danyar ah, lana ilaaliyo xarumaha waxbarashada”.

Tags: Dowladda Qadar oo maalgelineysa waxbarashada dalalka ay ka jiraan xaaladaha degdegga ah
Previous Post

Wafdi ka socda Jabuuti oo socdaal qiimayn ah ku tagay Hobyo

Next Post

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Next Post
Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Wasiirka Caddaaladda XFS oo ka warbixiyay hirgalinta sharciga la dagaalanka musuqa

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In