Friday, March 6, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Raashiin ah “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Shiinaha oo Soomaaliya soo gaarsiisay deeq Raashiin ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Shiinaha ayaa Soomaaliya Soo gaarsiisay deeq mucaawino gargaar ah , taas oo ay u Wakiilatay Xafiiska hay’adda Cuntada Adduunka WFP ee Soomaaliya.

Munaasabad ay hay’adda WFP kula wareegtay deeqdan raashiinka ah ayaa waxa ay Maanta ka dhacday Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho, iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Beeraha Soomaaliya, Wasiirka Wasaaradda gargaarka iyo maareynta musiibooyinka, Safiirka Shiinaha u jooga Soomaaliya,Wei Hongtain iyo Saraakiil ka tirsan hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP.

Related posts

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026

Deeqdan oo ka koobnayd, 440 tan oo Bariis ah, 1000 Tan oo Galley laga iibiyay gudaha Dalka ah, 350 Tan oo Saliid ah iyo 115 Tan oo Cunnada nafaqaysan ah, ayaa lagu wareejiyay Saraakiisha hay’adda WFP Soomaaliya, si ay Dowladda Soomaaliya ula wadaagaan qoondeynta gargaarkan.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Wei Hongtain, ayaa sheegay in uu qorshahoodu in ay Dowladdiisu sida ugu dhaqsiyaha badan uga gudubto howlaha gargaarka, una tallaabsan doonto ka qeyb qaadashada dib u dhiska iyo nabadeynta Dalka.

Mr; Hongtain, ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan dhismaha iyo dib u habeynta Isbitaalka Banaadir, Garoonka Kubbadda Cagta (Stadium Muqdisho) Waddada dheer ee isku xirta Gobollada Koofurta iyo Waqooyiga Dalka iyo in ay Dowladda Soomaaliya kala shaqeeyaan arrimaha amniga.

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya, Xamse Siciid Xamse, oo munaasabadda ka hadlay ayaa ugu mahad celiyay Dowladda Shiinaha kaalmada Bini’aaddannimo ee ay mar walba u fidiso Soomaaliya, wuxuuna sheegay in deeqdan si habsami leh loo gaarsiin doono meelihii loogu tala galay.

Gargaarkan ay Dowladda Shiinaha ugu deeqday Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo dhammaan Gobollada Dalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo goobaha ugu daran ee ay baahiyaha kala duwan ka jiraan ka jirto

Previous Post

U.S. vows to intensify security operations to stabilize Somalia

Next Post

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Ugu Tegay Ciidamo Lagu Tababarayo Xerada Gen. Gordan “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Ugu Tegay Ciidamo Lagu Tababarayo Xerada Gen. Gordan “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Booqasho Ugu Tegay Ciidamo Lagu Tababarayo Xerada Gen. Gordan “SAWIRRO”

Deeq daawo ah oo la gaarsiiyay Isbitaalka Xoogga dalka

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo Isbitaalka Xoogga ku booqday shacab Khawaarijtu dhibaateysay

March 6, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye-Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar, (Jeneraal Khaalid) ayaa maanta booqday Isbitaalka Xoogga Dalka Soomaaliyeed halkaas...

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

Qaliin Taariikhi ah oo lagu kala saaray Mataano isku dhagan

March 6, 2026
0

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa Hay’adda King Salman Humanitarian Aid and Relief...

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

Wasiirka Caafimaadka XFS oo daahfuray mashruuca baarista caafimaadka indhaha ee ardayda dugsiyada

March 6, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka XFS Dr. Cali Xaaji Aadan  ayaa daahfuray mashruuc dhinaca indhaha ah oo diiradda saaraya ilaalinta iyo daryeelka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo abaalmarino lacageed guddoonsiiyey Arday ka qeyb gashay Tartanka Qur’aanka Kariimka ah oo kaalmaha hore galay+SAWIRRO

March 6, 2026
0

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO ABAAL MARINNO LACAGEED GUDDOONSIIYAY TARTAMEYAASHA KAALIMAHA HORE KA GALAY TARTANKA QURAANKA EE BISHA RAMADAAN   Muqdisho,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In