Saturday, May 24, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka jawaabto saameynta gurmadka fatahaadaha iyo roobabka

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
November 7, 2019
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay ka jawaabto saameynta gurmadka fatahaadaha iyo roobabka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddga gurmadka fatahaadaha iyo roobabka ayaa sii laba jibaaray dadaalka la doonayo in dadkaasi loogu gurmado,waxaana jira gar gaar noocyo kaladuwan isugu jira oo la geeyey goobaha ay dhibaatooyinku ay ka dheceen sida Hiiraan,Baay iyo Gedo.

Hadaba halkan ka akhriso warbixin uu soo saaray guddigaasi oo ku saabsan arrinta Baladweyne.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025

Warbixintii Beledweyn ee 5, 6 da Nofember

Waxa weli socda hawlihii gargaarka ee loogu tala galay dadkii ka barakacay fatahaada ka dhacday magaalada Beledweyn.

Waxaa manta soo gaaray magalada Beledweyn cunno iyo agab ka yimid Dawlad Gobaleedyada Puntland iyo Galmudug iyagoo ka qayb qadanaaya gurmadka masiibada fatahadaha.

Sidoo kale, Wasiiradda Cafimaadka Fowsiya Abikar ayaa la kulantay saraakiil ka socota MSF ururka dhaqaatirta ee aan xuduudaha lahayn waxayna ka wada hadleen sida ay damacsan yahiin

in ay uga qeyb qataan gurmadka iyo waxyaabaha ay qorshaynayaan mustaqbalka. Wasiiradda Caafimaadka ayaa u mahadcelisay sarakiisha MSF ee xarun caafimaad ka furay goobta Ceel Jalle oo ka mid ah goobaha ay dadka qaar u barakaceen.

Waxaa si kordhaysa cabsida laga qabo in ay cudurro ka dilaacaan Beledweyn madaama ay weli biyo fadhiyaan guryahii iyo dariiqyadii ay biyaha ku fataheen.

Waxyaabaha la qeybiyey Maanta:

➢ Waxaa cunno loo qeybiyay 2,550 qoys.

➢ DRC waxay maanta qeybisay agab gaaraya 350 bundad oo ay u qaybisay qoysas

gaaraayo 350 oo ku sugnaa goobta Cell Jalle.

➢ Waxaa sidoo kale 410 qoys u qeybiyay agab guriyeed Hay’ada AVORD oo jaalka la ah

UNHCR.

➢ Waxaa kaloo la qeybiyay teendhoyin iyo maro kaneeco gaaraya 200 oo xabo.

➢ Waxaa biyo laga baxiyay Isbitaalka weyn ee magaalada si loogu shaqeeyo.

Waxyaabaha loo baahan yahay:

➢ Buufinta magaalada oo idil si loo xadido tirada kaneecada.

➢ Biyo dhaamin waxaa u baahan 20,930 qoys.

➢ 75% ceelasha magaaladu gudaheeda waxay u baahan yihiin dayactir.

➢ Waxaa loo baahan yahay ugu yaraan 100,000 oo marada kaneecada.

➢ Waxaa kale oo loo baahan yahay 15,300 oo kartoon oo cunada nafaqada ah.

Waxyaabaha Noo qabsoomay:

  • Waxaa si rasmi ah manta loo furay xafiiska isku dubaridka gargaaarka.
  • Waxaa wacyi gelin loo sameeyey dadka ka barakacay guryahooda si aysan deg deg ugu laban.
  • Guddiga farsamada waxay manta la shireen dhamaan wafdigii heer Federaal iyo heer Maamul Gobaleed iyo qar ka tirsan Xildhibannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda Hiiraan si loo wada ansixiyo guddi ka kooban todobo qof oo mareeya lagacaha loogu yaboohay barakacayaasha.
Previous Post

Wadooyinka isku xira deegaanada Koonfur Galbeed oo lafurayo

Next Post

Baaritaan lagu soo qabtay oo xalay ciidanku sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha

Next Post
Ciidamo Boliis Ah Oo Afgooye Xaafada Ka Mid Ah Fariisimo Ka Sameystay

Baaritaan lagu soo qabtay oo xalay ciidanku sameeyay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Ambassador Jamaal

May 23, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ee SoDMA, Mudane Maxamud Macallim Cabdulle ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ambassador Jamaal Maxamed Xasan Madaxa xarunta...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga

May 22, 2025
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeeray xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee Xukuumadda Federaalka. Kormeerkan ayaa qeyb ka...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo shir guddoomiyay kulanka Guddiga joogtada ah

May 22, 2025
0

Guddiga Joogtada ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa kulankiisa todobaadlaha ah ku yeeshay xarunta guddoonka iyo guddiyada ee...

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

Ciidanka xoogga dalka oo Jubada hoose ku dilay in ka badan 120 khawaarij ah

May 22, 2025
0

Ciidamada Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab ayaa gobolka Jubbada hoose ku soo bandhigay hubkii ay ka soo furteen Khawaarijta...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In