Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 445 milyan oo dollar

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka oo kala saxiixday heshiis gaaraya 445 milyan oo dollar
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa maanta kulan kula qaatay xrunta Wasaaradda Maaliyadda Kristina Svensson oo ah Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Bangiga Adduunka .

Kulan uu Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya la yeeshay Wakiilka Bangiga Adduunka ee Soomaaliya ayaa looga hadlay guulaha dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo maalgelinta mashaariicda mustaqbalka.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Kulanka kaddib ayaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Beyle iyo Wakiilka Bangiga Adduunka Kristina waxa ay kala saxiixdeen heshiis gaaraya $445 Milyan oo Dollar oo ah Mashaariic kala duwan oo Deeq ah, isla markaana lagu horumarinayo Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle ayaa sheegay in mashaariicda ay kala saxiixdeen aad iyo aad muhiim ugu yihiin Soomaaliya, mashaariicdaas ku saabsan Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta.

“Waxaa farxad weyn noo ah maanta in aanu la kulanay Bangiga Adduunka kooxda ka socota oo aan kala saxiixanay mashaariic aad iyo aad muhiim ugu dalkan  Soomaaliya mashaariicdaas oo Caafimaad, Tacliinta iyo waxyaabo kale oo fara badan isugu jirta oo gaaraysa 445 Milyan oo Doollar ayaan maanta kala saxiixanay”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicdaan oo Deeq ah ay socon doonnaan saddexda sanno ee soo socota. Wasiirka ayaa intaas ku daray in Deeqdaan lacageed ay marqaati ka tahay habka Maaliyadeed ee dowladda Soomaaliya ku soo dhaqantay 4 sanno ee la soo dhaafay iyo sida Adduunku u aamminsan yahay inuu wax badan soo qabtay, haddana qaban karo.

Ugu dambeyn, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in mashaariic intaan ka badan ay soo socdaan, sidoo kalena kala saxiixan doonaan inta uusan sannadkaan dhammaan.

 

 

 

 

Previous Post

Madaxwayne ku-xigeenka Puntland oo shir Guddoomiyay Shirka Maamul Daadajinta iyo Adeeg Bixinta Puntland “SAWIRRO”

Next Post

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Next Post
Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Rooble oo qaabilay Safiirka Kenya ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In