Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya: “Ma ogolaaneyno wax ka yar heshiis xalaal ah oo ku saabsan arrimaha shidaalka”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdishu, 31 May 2015: Wasaaradda Macdanta iyo Batroolka waxaa farxad u ah in ay ka warbixiso in sahanka shidaalka laga sameeyey Soomaliya uu yahay rajadiisa mid dhiira-gelin leh.

Soomaliya waa mid dhaqso u soo kabsaneysa, maalgashayaashu waxa ay garwaaqsanayaan fursadaha ka jira Soomaaliya, waxaana ay Dowlada Federaalka way soo dhoweyneysaa arintaa.

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026

In laga soo kabsado colaad muddo 25 sano socotay ma han mid si fudud looga soo kabsan karo. Sharciga iyo nidaam dowladeed dhameystiran waa in dib loo unkamaa. Halka dib-u-kabashada dhaqaale uu yahay mid muhiim u ah xasiloonida, Dowladda Federaalka waxay aqoonsan tahay in arimahaas lagu gaari karo hufnaan oo weliba ay ku jirto feejignaan iyo wax wadaag siman.

“Kheyraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya waxay kaalin weyn ka geysan doontaa kobaca dakhliga gudaha ee ay yeelaneyso Dowladda Federaalka. Waaxaha shidaalka iyo gaaska waxay noqdeen kuwo si aad ah loo daneeyo, laakiin inagu kuma deg degeyno heshiiyo wax u dhimaya awoodda Dowladda Federaalka ee ay ku abuuraneyso dakhligeeda,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Mukhtaar Ibraahim.

“Wasaaradda waxay si dhow ula shaqeyneysaa African Legal Support Facility, waax ka mid ah Bankiga Horumarinta Afrika, si loo sameeyo hanaan xeerar maaliyadeed iyo kuwo sharciyadeed gacan ka geysan kara sahminta iyo soo saaridda shidaalka. Waxaan waxba ka jirin wararka iminka sheegaya in heshiisyo aan iska geleyno inagoo indha xiran,” Wasiirka ayaa hadalkiisa ku daray.

Waxaa intaas sii dheer in uu jiro dadaal Dowlad goboleedyada lagala hadlayo sidii loo yeelan lahaa aragti mideysan oo ku aadan horumarinta iyo maamulka shidaalka Soomaaliya. La shaqeeynta dowlad Goboleedyada waxay keeneysaa in la helo hanaan lagu qeybsado dakhliga kheyraadka, taas oo lama huraan u ah sameynta nidaam qeybsiga wax-soosaar oo lala yeesho shirakadaha shidaalka.

Dowlada Federaalka wax heshiis wadaaga wax-soosaarka (Production Sharing Agreement) lama gelin shirkad qudha oo shidaal. Hase yeeshee, shirkadaha waa ay u soo gudbisan karaan dalabkooda Dowladda Federaalka.

“Waxaa muhiim ah, weliba dadka Soomaaliyeed, in ay ogaadaan in shirakadaha gaarka loo leeyahay ay iyagu sida ay la tahay wax ugu soo gudbisan karaan Dowlada Federaal. Waan soo dhoweyneynaa dadaalkooka. Balse aan idiin cadeeyo, 100% kheyraadkeena inaga ayuu gacanteena ku jiraa. Go’aanada mustaqbalka waxay noqon doonaan kuwo hufan iyo si mas;uuliyad ku dheehan tahay lagu gaaray islamarkaana ilaalinaya xuquuqda ummadda Soomaliyeed hadda iyo mustaqbalkaba” sidaa ayuu Wasiirka ku soo gaba gabeeyey hadalkiisa.

DHAMAAD.

 

 

Previous Post

Ra’iisul wasaaraha oo ku wajahan Cadaado, furitaanka wejiga 2aad ee shirka awgeed

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso warka habeen ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫 𝐮𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐫𝐞𝐲 𝐃𝐮𝐟𝐜𝐚𝐝𝐝𝐢𝐢 𝟏𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐊𝐮𝐦𝐚𝐚𝐧𝐝𝐨𝐨𝐬𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐚𝐛 

September 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa Dugsiga Tababarka Shahiid G/le Xasan Tuure tababar ugu soo...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo qaabilay Taliyaha Ciidanka Badda

September 28, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Hay’adda kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran oo lagu qabtay Degmada Guriceel

September 28, 2026
0

Waxaa Degmada Guriceel ka qabsoomay kulan iyo olole ballaaran oo lagu taageerayey musharraxiinta Ururka Siyaasadeedka Talo Qaran ee u taagan...

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In