Mogadishu, 23 July 2017 – Dowlada Federaalka ee Soomaaliya ayaa beenisey warar ay soo qortay jaraa’idka Indian Ocean Newsletter, cadadiisii 1455 soon baxay 21kii July 2017 oo ay sidoo kale faafisey website-ka www.africaintelligence.com. Maqaalkan oo ay cinwaan uga dhigeen “Dowladda oo welwel gelisey wadamada Galbeedka” waa mid been-abuur ah oo wararka ay xuseen ee sheegaya in Ra’iisul Wasaaraha uu kulan 3 diblomaasi ah kula yeeshay Hargeysa, waxeyna warbixintan ku sheegeen in looga hadlay sumcada ganacsato Soomaaliyeed oo ay ka mid ahaayeen Axmed Yuusf ee Hormuud, Cabdirashiid Ducaale ee Dahabshiil iyo Maxamed Yuusuf ee Salaama Bank. Dowlada Federaalku waxey caddeyneysaa inuusan dhicin kulan looga hadlayey sumcada iyo sharafta shakhsiyaadka kor ku xusan. Dowlada Federaalku waxey cadeyneysaa in Ganacsatada Soomaaliyeed ay door weyn ka qaataan dadaalada Dowladda ee soo celinta amniga iyo nabadeynta iyo horumarka dalka. Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waa ka go’antahay xoojinta nabadeynta iyo horumarka dalka tanoo u baahan warbaahin mas’uuliyadi ku jirto. Dowladda Federaalka wet fahamsantahay waana ka go’antahay sare-u-qaadista cabirka fikirka xorta ah, hase yeeshee, waxaan ka digeynaa faafinta qoraalo iyo warar been-abuur ah oo si ku talogal ah warar been ah lagu faafinayo. DHAMAAD |
Duqa Muqdisho oo kulan la qaatay Gudigga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed Axmed Amiir, ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Guddiga...