Friday, March 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo bilaawday soo daad-gureynta muwaadiniinta ku xaniban dalalka caalamka+Sawirro

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo bilaawday soo daad-gureynta muwaadiniinta ku xaniban dalalka caalamka+Sawirro
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah u bilowday in ay dalka dibaddiisa ka soo daadguraysato muwaadiniinteeda in ka badan muddo bil uga xayirnaa howlaha socdaal joojinta la xiriirta la dagaalanka iyo xakamaynta xanuunka Karoona feyrus, iyadoo Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ay ugu baaqday dadka soo guryo-noqonaya in ay u hoggaansamaan tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka B\bulshada.

Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, Mudane Danjire Maxamed Cali-Nuur Xaaji, ayaa sheegay shalay oo Khamiis aheyd in 114 muwaadin Soomaaliyeed oo ku xayirnaa dalka Kenya la soo daadgureeyay, si nabad ahna ay ku kala gaareen gegidda diyaaradaha caalamiga ee Aadan Cabdulle ee caasimadda muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Jeneraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe ee xarunta dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.

Related posts

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026

Safaaradaha Soomaaliya ee Kenya, Turkiga iyo Pakistan ayaa si aad ah uga shaqeeyay howlaha soo daadguraynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka dib loogu soo celiyay, iyadoo la hubiyay bedqabkooda caafimaad si gaar ah feyruska Karoona kahor inta aanay soo safrin.

Wasaaradda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 1,594 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 204 ruux oo bogsatay iyo 61 ruux oo u geeriyootay.

Tags: Dowladda Soomaaliya oo bilaawday soo daad-gureynta muwaadiniinta ku xaniban dalalka caalamka+Sawirro
Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda oo dib dalka ugu soo celineyso muwaadiniin ku xaniban dalalka Baksitaan,Imaaraadka iyo Turkiga

Next Post
Dowladda oo dib dalka ugu soo celineyso muwaadiniin ku xaniban dalalka Baksitaan,Imaaraadka iyo Turkiga

Dowladda oo dib dalka ugu soo celineyso muwaadiniin ku xaniban dalalka Baksitaan,Imaaraadka iyo Turkiga

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Gubadley oo soo tiigsaday wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 13, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

Tartamayaasha Kaaraan oo caawa u gudbay wareegga afar dhamaadka ee tartanka “SAWIRRO”

March 12, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga oo howlgallo ka fuliyay Gobolka Shabeellaha Dhexe

March 12, 2026
0

Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan Ururka 171aad Guutada 17aad Qeybta 1aad ee Kumaanooska Gorgor ayaa howlgallo qorsheysan Ka fuliyay Koonfurta...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo soo xiray Madasha Bandhigga Sahanka Qiimeynta Heerka U-Diyaargarowga Dhijitaalka

March 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda isgaarsiinta iyo teknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Soomaali , ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo xiray Madasha Bandhigga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In