Monday, August 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola

Shamis Hassan Harun by Shamis Hassan Harun
3 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo bilowday tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortagayo cudurka faafa ee Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

RADIO MUQDISHO:-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin degdeg ah oo looga hortagayo khatarta cudurka Ebola kadib markii laga helay Uganda iyo Congo.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa Muqdisho ku qabatay shir heer sare ah oo lagu xoojinayo baadhitaannada garoomada diyaaradaha, dekedaha iyo xuduudaha dalka,lana horumarinayo dabagalka cudurrada iyo shaybaarrada caafimaadka.

Related posts

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026

Waxaa sidoo kale la amray in qalabka badbaadada caafimaadka (PPE) si degdeg ah loo keydiyo dhammaan isbitaallada dowladda iyo kuwa gaarka loo leeyahay.

Dowladda ayaa dejisay qorshe degdeg ah oo 3 maalmood lagu bilaabayo iyo qorshe qaran oo 7 maalmood lagu dhameystirayo diyaar garowga dalka.

Wasiirka ku-simaha ah isla markaana ah Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Dr. Maryama Maxamed Xuseen oo shirkan guddoomisay, ayaa sheegtay in dowladda ay diyaar u tahay inay adeegsato dhammaan awoodaha lagama-maarmaanka ah, si loo ilaaliyo caafimaadka iyo badqabka shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS oo war ka soo saartay duqayn ka dhacday Shabeellaha Hoose

Next Post

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Next Post
Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Hoggaamiyaha KMG ah ee Koonfur Galbeed iyo wafdi heer Federaal ah oo gaaray degmada Diinsoor

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

Maxkamadda Sare oo laashay natiijadii doorashada Galmudug

August 24, 2026
0

Maxkamadda Sare ee Dalka ayaa laashay natiijadii doorashadii golayaasha deegaanka iyo wakiillada Galmudug, sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare,...

Madaxweynaha JFS oo kulan dhiirrigelin ah la qaatay ardaydii Kaalmaha hore ka galay Imtixaanka Fasalka 12-aad

August 24, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan dhiirrigelin iyo bogaadin ah la qaatay 10-kii arday ee kaalmaha...

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

R/W Xamsa “Aqoonta la baranaayo iyo baahida suuqa taalo waa inay is daboolaan”.

August 24, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeyb-galay munaasabad Shahaadooyin lagu guddoonsiinayey Arday dhamaysatay Daraasaadka Sare...

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

Xoghayaha Guud ee Isbahaysiga Dalalka Islaamka ee Ciidamada La-dagaallanka Argagixisada oo casho lagu maamuusay

August 23, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, oo uu wehelinayay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In