Thursday, December 25, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo buuxisay qeybta ugu badan qodobada Axdi qarameedka xuquul insaan ee Qarmada Midoobay

caqiil by caqiil
5 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo buuxisay qeybta ugu badan qodobada Axdi qarameedka xuquul insaan ee Qarmada Midoobay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo Xarunta Xuquuqda Aadanaha ee Qaramada Midoobey, Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Dowladda Soomaaliya ay buuxisay lix ka mid ah qodobada sagaalka ah ee uu ka koobanyahay Axdi Qarameedka Xuquuqda Aadanaha ee Qarmada Midoobay .

Danjire Abyan Maxamed Saalax, ayaa sidoo kale sheegtay in Soomaaliya markii sedexaad arrimaha xuquul insaanka ay hormarro badan ka gaaray.

Related posts

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025

“Tusaale Sharciga xaquuqda caruurta waan saxiixnay, sidoo kale sharciga xuquuqda dadka Naafada ee uu dhawaan saxiixay madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo, ayaana ka mid ah kuwa ugu muhiimsan, illaa iyo hada waxaan dhameystirnay lix qodob” ayay hadalkeda ku dartay Danjire Abyan Maxamed Saalax.

Danjiraha dowladda Soomaaliya ee Switzerland, Austria iyo xarunta xuquuqul Insaanka ee qaramada Midoobey Abyan Maxamed Saalax, ayaa sheegtay in Soomaaliya oo ka soo kabaneyso bur-bur sodon sano qaatay hadane ay kaalin fiican uga jirto Axdi Qarameedka Xuquul insaanka ee Qaramada Midoobay.

“Aad baan ugu faraxsanahay inaan sida dhaqsida leh ugu socono dhanka hormarka si aan ula jaan qaadno Adduunka, waana noo muhiim inaan illaalino Xuquuqul Insaanka” ayay hadalkeeda ku soo gabagabeysay Danjire Abyan Maxamed Saalax.

Previous Post

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Jubbaland oo soo gaaray Muqdisho

Next Post

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Ubax maamuus ah dhigay Taallada Dhagax-Tuur

Next Post
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Ubax maamuus ah dhigay Taallada Dhagax-Tuur

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Ubax maamuus ah dhigay Taallada Dhagax-Tuur

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

Doorashada Golaha Deegaanka oo ka bilaabatay saakay 16-ka Degmo ee gobolka Banaadir.

December 25, 2025
0

Magaalada Muqdisho ayaa maanta si rasmi ah u bilaawday doorashada Golaha Deegaanka 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir, taasoo ah mid...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo sheegay abaaraha ka jira dalka iyo sameyn tooda.

December 24, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa ka digay xaalad adag oo ka jirta guud ahaan dhulka...

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.    

Warbixinta Seddexaad ee Dhaqaalaha Dalka oo la soo saaray.   

December 24, 2025
0

La-taliyaha Madaxweynaha JFS ee dhinaca dhaqaalaha, ahna Guddoomiyaha Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Dr. Xasan Aadan Hoosow, ayaa shaaciyay in ay soo...

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

Madaxweynaha KGS oo baaq ku aadan abaaraha u diray bulashada Soomaaliyeed.

December 24, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa kormeer shaqo ku gaaray deegaanno ka tirsan Gobolka Bakool, gaar...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In