RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS waxay si adag u cambaareyneysaa weerarka lagu qaaday xarun koronto taas oo bixisa adeegga korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee magaalada Madiinah, Boqortooyada aan walaalaha nahay ee Sacuudi Carabiya.
Wasaaraddu waxay u aragtaa weerarkaan lagu qaaday kaabayaasha rayidka ah ee u adeegaya mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka inuu meel ka dhac ku yahay karaamada iyo xurmada Goobaha Barakeysan.
Sidoo kale, waa xadgudub cad oo ka dhan ah sharciga caalamiga ah iyo madaxbannaanida Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u garab taagan tahay Dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Soomaaliya waxay taageereysaa dadaallada Boqortooyada Sacuudiga ku ilaalinayso madaxbannaanideeda iyo amnigeeda, iyo sidoo kale badbaadada muwaadiniinteeda, dadka deggan iyo ku soo booqanaya goobaha barakeysan.
Iyadoo Soomaaliya ay xubin ka tahay Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), waxay si cad u diiddan tahay dhammaan falalka khatarta ku ah xasilloonida gobolka, waxayna ku baaqeysaa in lala xisaabtamo cid kasta oo ka dambeysa weerarkan.










