Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya dalka Sacuudiga Mudane Daahir Maxamuud Geelle oo la hadlay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay in Xuutiyiinta Yemen ee ka dagaalama dalka Yemen ay kusoo rideen magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga Gantaallo, hase ahaatee ciidamada Cirka ee dalka Sacuudiga ay ku guuleysteen iney ka hortagaan oo ay bur buriyaan Gantaalladaasi.

Safiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay si aad ah u cambaareyneyso Xuutiyiinta dalka Yemen falka ay sameeyeen, isagoo tilmaamay in ay gacan ka helayaan dowladda Iiraan oo horey Soomaaliya ay xiriirka ugu jartay.

Related posts

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026

“Dowladda Soomaaliya raggaasi aad iyo aad ayey u cambaareneysaa, waxeyna ku eedeeneysaa nimanka Xuutiyiinta ah oo gacanta ka helaya Iiraan oo aad ogtihiin in Soomaaliya ay xiriirka u jartay, Hadda Iiraaniyiintu culeys badan ayey ku hayaan Sacuudiga oo nimanka Xuutiyiinta ah maahan niman heli kara Tiknoolajiyaddaan Sawaariikhda isaga kala goosheysa intaasi oo KM,”ayuu yiri Mudane Daahir Maxamuud Geelle Safiirka Soomaaliya ee Boqortooyada Sacuudiga.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Sacuudiga ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay garab taagan tahay dowladda Sacuudiga islamarkaana ay taageersantahay Isbaheysiga uu horkacayo Sacuudiga, sidaasi oo kalena Soomaaliya ay aqoonsan-tahay Dowladda Sharciga ah ee dalka Yemen.

Previous Post

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Xarun cusub oo loo dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Next Post
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)

Dowladda Soomaaliya oo War-saxaafadeed kasoo saartay arrinta Balad Xaawo

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

Agaasime Mahad Salaad oo Mareykanka kala hadlay ciribtirka Khawaarijta.

April 3, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad ayaa maalmihii la soo dhaafay kulamo muhiim...

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

Ardayda Soomaalida ee Kenya oo xaaflad isbarasho ah u sameeyay maamulka Safaaradda

April 3, 2026
0

Xubno ka socday Maamulka Safaaradda Soomaaliyaee  Kenya ayaa ka qeybgalay xaflad isbarasho oo ay soo qabanqaabiyeen ardyda Soomaalida ee wax...

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

Taliye Shuute “Sharcigu ma yaqaanno kan waa muxaafad iyo kan waa mucaarad”

April 3, 2026
0

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida Mudane Xasan Cali Nuur Shuute ayaa Kulan looga hadlaayey sugidda amniga Magaalada Beydhabo la qaatay...

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In