Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Xarun cusub oo loo dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Guddoomiyaha G/Banaadir oo xariga ka jaray Xarun cusub oo loo dhisay Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka Qaranka “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane C/raxmaan Cumar Cusmaan Yariisow iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yareey)  ayaa si wadajir ah xariga uga jaray xarun cusub oo uu yeelanayo Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka,waxaana munaasabada xariga jarka goob joog ka ahaa Mas’uuliyiin ka socotay Hay’adda Qaramada Midoobay ee UNOPS oo hirgelineysay mashruuca dhismaha xaruntaan.

Muhiimada dhismaha xaruntaan ayaa waxay tahay sidii loogu adeegi lahaa Shacabka Soomaaliyeed iyo in Guddiga uu helo xarun ay si rasmi ah ugu shaqeeyaan,maadaama ay u yaalaan howlo badan,taasi oo ah in dalka ay ka dhacdo doorasho Qof iyo cod ah sanadka 2020-ka.

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026

Madaxa Mashruuca  Hay’adda UNOPS oo fulineysay dhismaha ayaa sheegay in tani ay qeyb ka tahay horumarka ay ku talaabsanayaan Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha xisbiga Midnimada Jamhuuriga Maxamed Nuur ayaa ku bogaadiyay Guddiga shaqada ay hayaan loogana baahan yahay in ay horey usocdaan.

Guddoomiyaha Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) oo iyadane ka hadashay munaasabada xarig jarka ayaa uga mahad celisay Dowladda Soomaaliyeed oo dhulka siisay sidoo kale sheegtay in ay fududeyn doonta howlaha loo ikmaday.

“ Runtii marka doorasho la qabanayo waxaa loo baahan yahay goob lagu shaqeeyo maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda UNOPS waxaana uga mahad celineynaa dhismaha xaruntaan oo muhiim u ah howlaha adag ee horyaala Guddiga madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka,waxaana aamisanahay in haddii ay dhacdo doorasho xor ah in Shacabka Soomaaliyeed ay dooran doonaan mudanaha ay aaminsan yihiin”,ayay tiri Xaliimo Yareey.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan (Enjineer Yariisoow) ayaa xusay in si ay doorasho uga dhacdo dalka loo baahan yahay in Guddiga uu helo meel ku haboon si ay u qabtaan shaqo hufnaan leh.

“ Dowladda Federaalka iyo Hay’adaha caalamka waxaa laga rabaa si doorasho hal qof iyo hal cod u dhacdo ,kow waxaa lagu tijaabinayaa sida Guddiga doorashooyinka xaruntoodii loogu heli lahaa xarun u qalanta loogu dhisi lahaa si Hay’adda ay u noqoto Hay’ad jirta,runtii Guddiga waxaa ugu mahad celineynaa dadaalkooda iyo mudadii Guddiga uu soo jiray ee daruufaha adag ku shaqeyneyseen iyo sidaad u shaqeyseen sidaad u diyaariseen barnaamijkii doorashooyinka hadana aad ku jirtaan nuuca doorasho ee Soomaaliya qaadan lahayd daraasadeeda,” Ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka Banaadir .

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka Qaranka Soomaaliya ayaa hada ku shaqeeya xarumo ku meel gaar ah, hase yeeshee xaruntaan ayaa wax badan ka bedeli doonto markii ay dhamaato dhismaheeda shaqada adag uu guddiga u haayo shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Dhageyso: Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Next Post
Danta guud ee Dalka halaga hormariyo danta gaarka ah (FAALLO)

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Gantaallo Xuutiyiinta Yemen ay ku rideen Sacuudiga

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

Guddoomiyaha SoDMA oo daahfuray kulan lagu hirgelinayo Nidaamka Qaran ee digniinta hore ee Khataraha

August 3, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, oo uu wehliyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Arrimaha Soomaaliya...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliyeed oo booqday Xabsiga Ganfuda ee Liibiya 

August 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga Ganfuda ee magaalada Banghaasi, halkaas oo ay kula kulmeen dhallinyaro Soomaaliyeed...

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

Hoggaamiye Firdhiye oo habka fogaan-aragga uga qayb galay xuska sanad-guurada Maamulkaas

August 3, 2026
0

Hoggaamiyaha Waqooyi Bari ayaa habka fogaan-aragga uga qayb galay munaasabadda lagu xusay sanad-guurada maamulkaas oo lagu qabtay gobolka Minnesota ee...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In