Deeq rashin ah oo lagu talagalay dadka ay abaarta sameysay oo gaarsiiyay magaalada Gaalkacyo.Deeqdaan oo ka socotay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed isla markaana qeyb ka ah gurmadka abaaraha ka jira goballada dalka.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug Faadumo Cabdi Faandhe oo,iyadu deeqdaan waday ayaa ku wareejisay maamulka dagmada gaalkacyo si loo gaarsiiyo qoysaska ay abaartu saameeyeen deegaanada fog ee waqooyi bari gobalka mudug .
Duqa dagmada Gaalkacyo Cabdiraxmaan Sheek Xasan oo la wareegay deeqda ayaa yiri “waxaan gaarsiin doonaan dadka loogu talagalay ,isagoo dhanka kalana u mahad celiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wasaaradda gargaarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya” . Cabdiraxmaan Sheek.
Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Baarlamaanka Galmudug, ayaa sheegtay in gargaarka uu noqon doono mid soconaayo ilaa laga gaarsiiyo dhammaan deegaanada ay ku dhibaateysan yihiin bulshada gobalka Mudug.
Faadumo Cabdi “Waxaan uga mahadcelisay madaxda dalka dadaalkooda ku aadan sida ay ugu gurmanayaan bulshada Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen”. Faadumo