Tuesday, December 23, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka

Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka

Ali Ahmed by Ali Ahmed
4 months ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo dib u qiimeyn ku sameysay mashaariicda ka socota dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur ayaa Magaalada Nirobi ee Dalka Kenya ku soo gunaanaday kulan shan cisho ah oo ku saabsanaa dib u qiimeynta mashaariicda horumarineed ee laga fuliyo caasimadda dalka iyo deegaanada kale ee maamul goboleedyada.

Shirkan waxaa mudadii uu socday  ka qeyb galay wasaaradaha federaalka ee ka faa’iideysta mashruuca, maamul-goboleedyada, Bangiga Adduunka iyo hawlwadeennada u xilsaaran fulinta mashruucaan oo ah mid loogu talagalay wanaajita kaabayaasha dhaqaale .

Related posts

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025

Intii uu shirku socday, waxaa si qoto dheer looga falanqeeyay horumarka iyo guulaha illaa hadda laga gaaray mashruuca, iyadoo sidoo kale la isla meel dhigay qorshe cusub oo lagu dardar-gelinayo dhameystirka daraasadaha waddooyinka dalka inta ka hartay muddada mashruuca ee halka sano ah.

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska & Guriyeynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cimi Maxamuud Niur  ayaa uga mahadceliyay hawlwadeennada mashruuca, Bangiga Adduunka, wasaaradaha federaalka iyo maamul-goboleedyada sida firfircoon ee ay uga qeyb qaateen mashruuca.

Wasiirku,waxa uuna ku booriyay dhammaan bahda mashruuca inay sii dardar-geliyaan hawlaha socda, isagoo xusay in horumarinta kaabayaasha waddooyinka ay muhiim u tahay mustaqbalka dalka iyo koboca dhaqaalaha.

Previous Post

Midowga Afrika oo soo dhoweeyay heshiiska laga gaaray arrimaha doorashooyinka

Next Post

Danjire Abuukar Daahir “waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”

Next Post
Danjire Abuukar Daahir “waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”

Danjire Abuukar Daahir “waa muhiim in aan kor u qaadno codkeenna iyo guud ahaan horumarka dalka”

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

Wasiirro ka tirsan xukuumadda oo kormeeray degmooyinka gobolka Banaadir oo kaarka codbixinta laga qaadanayo

December 23, 2025
0

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Faarax Nuux; Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha XFS mudane...

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

Howlgal Lagu Dilay Horjoogayaal Ka Tirsan Khawaarijta oo Laga Fuliyay Shabeellaha Dhexe

December 22, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa 21-kii Diseembar 2025 fuliyay howlgal qorsheysan oo ka dhan ah khawaarijta, kaas oo ka dhacay...

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool

December 22, 2025
0

Madaxweynaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta si diirran loogu...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Qaahira kula kulmay dhiggiisa Masar si loo xoojiyo iskaashiga labada dal

December 22, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa kulan doceed kula yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In