Dowladda Soomaaliya ayaa laba diyaarad oo saanad ciidan u dirtay maamulka Puntland si loogu dabar jaro Firxadka argagaxisada ee sida dhuumaaleysiga leh ku gaaray deegaanada Puntland dhawaan.
Wasiirka Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Saraakiil Sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa ku sugnaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magalaada Muqdisho ku sagootiyay diyaaradahaasi oo waday hubka noocyadiisa kale duwan, iyo waxyaabaha kale oo ay u baahanyihiin ciidanka.
S/ Guuto Cali Baashi Maxamed Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo warbaahinta kula hadlay garoonka diyaaradaha magalaadda Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ay mar kasta garab taagan yihiin Puntland iyo ciidanka xoogga ee qeybta 54-aad ee ku sugan deegaannada Puntland hadii loo baahdana ciidan, ay cutubyo ka tirsan ciidanka xoogga loo diri doona halkaasi.
Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiiska ee xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Mareeye ayaa ku ammaanay ciidanka Qaranka Soomaaliyeed geesinimadda iyo kartida ay nabad diidka kula dagaalaamayaan islamarkaana ay cadowga dalka kaga difaacayaan.