Thursday, September 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo faah faahisay weerarkii xalay ka dhacay Muqdisho “Dhageyso”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka, Wararka Raadiyahaa
0
Wasiir Daahir Geelle oo faah faahin ka bixiyay howlgalkii ay ciidamada ku soo afjareen weerarkii argagixisada “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho ku sheegay in ciidamada ammaanka ay ku howlanyihiin badbaadinta shacabka ay argagixisadu ka dhigteen gabaad.

 

Related posts

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026

Wasiirka ayaa xusay in hadafka ay ka leeyihiin weeraradan argagixiso uu yahay in qof Soomaali ah dantiisa heysta nolosha la dhaafiyo oo aysan jirin hadafkale ee ay leeyihiin argagixisadu, kuwaasi oo beegsanaya goobaha bulshada isugu timaado.

Mudane Daahir Maxamuud Geelle ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu tacsiyadeeyay dadkii ku dhintay weerarkii xalay, isagoo Alle uga baryay in kuwa ku dhaawacmay uu Alle bogsiiyo.

Wasiirka ayaa yiri “Dowladda Soomaaliya waxay had iyo jeer ku howlantahay, kana shaqeysaa, kow in dadka Soomaaliyeed Nabadooda, amnigooda ka shaqeyso iyo waxkasta horumar u noqon karo”.

“Runti xog muhiim ah ayan rabaa inaan la wadago Dadka  Soomaaliyeed, waxaa suura gal ahayd in muddo intan aad iyo aad uga kooban in lagu soo afjaro arrinkaas, laakiin sida lagu yaqiinay waxay gaashaan ka dhigteen dad Soomaaliyeed, oo waxba galabsan, waxaan hubaa inay jiraan muuqaalo badan oo aad la wadaagi kartaan daawadayaashiina, muuqaaladaas oo muujinaya dhalinyarada Soomaaliyeed oo saraakiil ah oo soo badbaadinaya duqey Soomaaliyeed oo nimankaasi ay dab xir ka dhigteen ay soo furanayeen” ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta.

Wasiir Daahir Maxamuud Geelle ayaa shirkiisa jaraa’id ku xusay “Dadka madaniga ah ee aan ciidanka ahayn oo ay gaashaanka ka dhigteen soo badbaaadintooda ayaa xaaladdu dheereysay”.

“Dhanka kale waxaan rabaa inaan shacabka xusuusiyo, dowladda Soomaaliya iyo Al-Shabaab ma ahan wax loo garnaqi karo, rag shalay waxa ay soo abaabuleen saacadan iyo ka hor iyo maalmo ka sii horeysayba gawaari waxyaabaha qarxa la saaro, oo dalkan la keeno oo marka uu qarxo xigtadeeda ay noqoto     qoryo iyo rasaas inta la qaato meesha uu ku qurxay dadka wixii haray iyo deeqda wixii u hartay lagu baabi’iyo iyo ciidamada dowladda oo hamigooduyahay kow inaan arinkaasi imaan oo gaarigaas meelkasta looga hortago  oo dadku amaan helaan oo goobaha magaalada ka baxsan looga hortago, hadii ay dhacdo inay soo jiiraan sida xalay dhacdayba laga daba tego”. ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Warfaafinta.

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay inay goobta ka soo badbaadiyaan tiro dad ah oo argagixisadu gabaad ka dhiganayeen.

Halkan ka dhageyso Shirka Jaraa’id ee uu qabtay Wasiirka Warfaafinta 

https://www.radiomuqdisho.so/wp-content/uploads/2019/03/SHIR-JARAAID-WASIIRKA-WARFAAFINTA-XFS.mp3
Previous Post

Madaxda Dowlad Goboleedyada oo ka tacsiyeeyay Dadkii ku dhintay Qaraxii Muqdisho ka dhacay xalay

Next Post

Dawladda Soomaaliya oo ku taamaysa in la soo saaro shidaalka dalka marka la gaaro sanadka 2020-ka

Next Post
Dowladda Soomaaliya oo soo dhaweysay go’aanadii ka soo baxay Shirkii Midowga Afrika

Dawladda Soomaaliya oo ku taamaysa in la soo saaro shidaalka dalka marka la gaaro sanadka 2020-ka

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

Danjire Jabriil oo ka qeybgalay shir muhim ah oo ka dhacay Nairobi

September 10, 2026
0

Waxaa magaalada Nairobi lagu qabtay Shirka Heerka Sare ee Iskaashatada Horumarinta iyo Wakiillada Diblomaasiyadeed ee Dib-u-soo-nooleynta Webiyada Nairobi, kaas oo...

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

MADAXWEYNAHA JFS OO KORMEERAY TALISKA QAYBTA KOOWAAD EE KUMAANDOOSKA GORGOR

September 10, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda

September 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa magacaabay Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka....

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo ka qeybgalay kulan ku saabsan “Waaga Cusub ee Xiriirka Türkiga iyo Soomaaliya”

September 10, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS, Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In