Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah” War Saxaafadeed”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah” War Saxaafadeed”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

War Saxaafadeed 

30-12-2015

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Dowladda Federalka ee Soomaaliya waxey heshiis la gashay shirkad sharci-yaqaan caalami ah in ay ka taakuleyso diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga.

Mugdisho- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, waxay ku faraxsan tahay in ay howlgalisey lataliye’yaal sharci-yaqaanno caalami ah, si ay uga caawiyaan howlaha la xiriira diyaarinta habka Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga (Production Sharing Agreement, PSA). Ayadoo loo raacayo habka tartanka qandaraasyada furan, oo ay gacan ka geeysatay hay’adda African Legal Support Facility (ALSF), ayaa tartanka Mashruuca Wax soo saar Wadaagga ee loogu magac daray (PSA Somalia Toolkit Project) waxaa ku guuleystaqy IMMMA Advocates, oo xubin ka ah DLA Piper Africa Group.

Hay’adda African Legal Support Facility (ASLF), oo ah xubin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika howsheeduna tahay inay ka taakuleeyso dalalka Afrika gorgortanka heshiisyada ganacsiga ee la xiriira wax’soosaarka kheyraadka dabiiciga ah, ayaa waxay gacan ka siinaysaa Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta diyaarinta Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga. Xilligii lagu guda jiray tartanka xulashada, shan shirkadood ayaa lagu soo koobay liiska xulashada, kuwaas oo laga dalbaday in ay soo gudbiyaan codsiyadooda.

15 October 2015, waxaa codsi u soo gudbistay ASLF saddex ka mid ah shanti shirkadood. Shirkadaha soo codsaday waxay kala ahaayeen: IMMMA Advocates – DLA Piper Group (Dar Es Salam), Clyde & Co LLP and Watson Farley & Williams LLP. Ka dib markii si taxadir leh loo qiimeeyay codsiyadda qandaraaska, IMMMA Advocates ayaa laga xushay maadaama ay buuxisey shuruudihii ugu fiicnaa marka loo eego waxqabadka iyo sicirka.

Mohamed Mukhtaar Ibraahim, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, ayaa yiri: “Heshiiska Wax-Soosaar Wadaagga waa nooca ugu habboon heshiisyada la xirrira sahminta shidaalka iyo soo saaridiisa, taasoo shirkadaha shidaalku ay ayagu qaadanayaan khatarta la xiriira sahminta shidaalka, ayadoo Dawladduna lahaanayso khayraadka iyo agabka. Somaaliya waxay heshiiska wax soo saar wadaagga geli kartaa keliya marka la diyaariyo habkan wax soo saar waddaagga (PSA model), isla markaana la helo sharuuc iyo siyaasad mideysan oo ku aadan ka faa’idaysiga kheyraadka.

Dhamaad

Previous Post

Xoghayaha Ururka Suxufiyiinta Qaranka” Wacyiga Saxaafadda waxbadan ayuu iska badalidoonaa”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhagayso Warka Habeen Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In