Friday, September 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo ka Hadashay Xaaladda Dalka Yemen

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Wasaaaradda Caafimaadka oo caddeysay in Soomaaliya aan laga helin kiiska Cudurka Ebola
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo xiriir walaalnimo oo qoto dheer, mid bulsho oo soo jireen ah iyo darisnimo dhuleed oo dhow la leh dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, waxay aad uga xun tahay dhibaatada gaartay Yemen.

Dowladda Soomaaliya iyadoo ka duuleysa xiriirkaas faca weyn iyo mas’uuliyadda saaran, ka dowlad carbeed ahaan.Iyadoo garawsan halka ay xaaladda Yemen ku dambeyn doonto haddii ay sidan ku sii socoto.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Ka dib markii aan aragnay

1- Sida Shacabka Yemen ay raalli uga yihiin una taageersan yihiin madaxweynaha sharciga ah Abdraboh Mansour Hadi, taas oo ridistiisa,afduubistiisa,duqeynta xaruntiisa iyo u diidista in uu waajibaadkiisa qaran guto ka dhigeysa Af-gembi ka dhan ah sharciga,diinta iyo xeerarka caalamiga ah.

2- Markaan aragnay Hindisihii dowladaha Golaha Iskaashiga Khaliijka ee looga gol lahaa in lagu joojiyo dhiigga qubanaya, dalka Yemenna looga saaro dhibaatada haysata, iyadoo dalalka Khaliijku aad u daneeyaan Yemen, si ka badan dunida inteeda kale.

3- Innagoo maanka ku hayna qodobbadii ka soo baxay Shirweynihii Qaran ee ay ka qeyb galeen dhinacyada Shacabka Yemen iyadoo aan cidna laga tagin.
4- Innagoo tix gelineyna go’aannadii Golaha Iskaashiga Khaliijka,War-murtiyeedkii ka soo baxay Golaha ammaanka iyo Jaamacadda Carabta, ee ku baaqayay in la xushmeeyo sharciyadda , xaaladdana lagu soo celiyo jidka saxda ah.

5- Innagoo cuskaneyna codsigii madaxweynaha Yemen AbdRabou Masour Hadi ee ahaa in dalalka Carabtu ka taageeraan sidii Yemen loogu soo dabbaali lahaa nabad iyo xasillooni.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay go’aansatay arrimaha soo socda:

1- In midnimada dalka Yemen iyo nabad gelyadiisa dhuleed ay tahay lama taabtaan.

2- Waxaan adkeyneynaa in ay waajib ku tahay dhammaan dhinacyada isku haya Yemen , ka qeyb galka shirka Wada Xaajoodka Qaran ee uu ku baaqay madaxweynaha Yemen AbdRabou Mansour Hadi.

3- Waxaan bogaadineynaa boqortooyada Sacuudi Carabiya oo fidisay gogosha wada xaajoodka reer Yemen.

4- Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay taageereysaa tallaabooyinka Boqortooyadad Suucuudi Carabiya iyo xulafadeedu qaateen ee ujeedkeedu yahay in aan Yemen lugaha la gelin dagaal sokeeye iyo degganaansho la’aan aan la ogeyn halka ay ku dhammaan doonto.

5- Waxaan ku garab taagannahay dowladda Yemen dagaalka ay kula jirto kooxaha argagixisada ah ee doonaya in ay ku cayaaraan amniga iyo xasilloonida Yemen, Soomaaliyana waxay diyaar u tahay in ay waayo aragnimadeeda iyo awoodeheeda arrintaas la xiriira ku biiriso Yemen , si looga guuleysto argagixisada.

6- In aan dowladda Yemen iska kaashanno ka hor tagga falalka burcad-badeednimo ee dhammaanteen na dhibaya, si loo sugo ammaanka marin badeedka muhiimka ah ee Baabul Mandab.
Dhammaaad

Previous Post

Sawirro Madaxweynaha oo gaaray Sharm El Sheikh kana qeybgalaya shir madaxeedka carabta

Next Post

In Lilaah Wa inaa Ileyhi Raajicuun:Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari Oo u geeriyooday Dhawac ka soo gaaray Werarkii Hotel Maka Al Mukarama

Next Post
In Lilaah Wa inaa Ileyhi Raajicuun:Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari Oo u geeriyooday Dhawac ka soo gaaray  Werarkii Hotel Maka Al Mukarama

In Lilaah Wa inaa Ileyhi Raajicuun:Danjire Yuusuf Maxamed Ismaaciil Baribari Oo u geeriyooday Dhawac ka soo gaaray Werarkii Hotel Maka Al Mukarama

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In