Wednesday, September 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo maamul goboleedyada u fasaxday lacagtii deeqaha Caalamka

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo maamul goboleedyada u fasaxday lacagtii deeqaha Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u fasaxday Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir lacag gaareysa lix milyan oo dollar oo ahaa deeq lacageed oo ka timid Midowga Yurub.

Sida lagu shaaciyay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa lagu sheegay in ujeedka lacagtaan ay tahay qoondada Maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir ee lacagaha deeqda dibadda, iyadoo maamul walba loo dirayo min Hal Milyan oo dollar oo ah kabidda miisaaniyadda

Related posts

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026

Qoraalkaan oo uu soo saaray Wasiirka Maaliyadda C/raxmaan Beyle ayaa loogu mahad celiyay mira dhalkii shirkii ka dhacay caasimadda Etoobiya ee Addis Ababa ee u dhaxeeyay Wasaaraddaha Maaliyadda heer Federaal iyo heer dowlad goboleed iyo gobolka Banaadir, kaasoo lagu lafa guray arrimo kala duwan oo ku aadan wada shaqeynta hay’adaha maaliyadeed ee dalka.

Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa loo qoondeeyay 40%  deeqda miisaaniyad kabidda ee laga helay Midowga Yurub oo ah lacag gaareysa 15 milyan oo dollar taasoo guud ahaan noqoneysa lacag gaareysa 6 milyan oo dollar oo la siinayo min hal milyan dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa laga dalbaday in lacagtaan halka milyan loo isticmaalo saddex dalool labo dalool kharashaadka Amniga iyo arrimaha bulshada, halka inta soo hartay uu maamul walba u kharash gareynayo sida uu doono.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyay Maamul goboleedyada iyo Gobolka Banaadir in si degdeg ah ku soo diro warqad codsi ah oo lagu caddeynayo in lacagtan loo isticmaalayo sida ku cad warqadaan iyo balan-qaad ku aadan in xisaab celin buuxda in laga soo celinayo muddo 45 cisho ah kaddib, marka la isticmaalo lacagtan.

Halkaan hoose Ka aqriso Qoraalka fasaxa maaliyadeed ee ka soo baxay Wasaardda Maaliyadda:-

Previous Post

Howlgal khasaare xooggan lagu gaarsiyay Argagixisada Shabaab oo ka dhacay deegaanka Ceel-saliini Sh/Hoose

Next Post

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qaybgalka Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey

Next Post
Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qaybgalka Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey

Madaxweyne Farmaajo oo u ambabaxay ka qaybgalka Meertada 74-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobey

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee Soomaaliya

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa Hay’adda Caafimaadka Adduunka (WHO)...

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

Ololaha Taageerada Musharraxiinta Ururka Talo Qaran oo lagu soo gabagabeeyay Jowhar

September 29, 2026
0

Urur Siyaasadeedka Talo-Qaran oo ka mid ah Ururada ka jira dalkeena oo maalmahan ololaha doorashooyinka ka waday qaar ka mid...

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

Guddoomiyaha SoDMA oo daah-furay shirka u diyaar-garowga Soomaaliya ee El Niño 2026

September 29, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa Magaalada Muqdisho ka furay shir lagu tijaabinayo diyaar-garowga...

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

𝐑𝐚𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐃𝐚𝐥𝐱𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚

September 29, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa maanta duleedka magaalada Muqdisho ka furey Bandhigga Dalxiiska Soomaaliya oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In