Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan DP World

admin by admin
9 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaqdhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DP-world ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraad-ka Carabta.

Muqtaar Mahad Daa’uud oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan.

“Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu sheegay wasiirku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, balse taa dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexeeyay Soomaaliland, wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gar wadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeerka dhowridda midnimada iyo gobannimada geyiga Soomaaliyeed, kaasoo Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World ee laga leeyahay Dalka Imaaraad-ka Carabta.

Previous Post

Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Next Post

Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Next Post
Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In