Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo mar kale ka hadashay mowqifkeeda ku aaddan DP World

admin by admin
March 18, 2018
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay guulo ka gaartay soo deynta Maxaabiista ku xiran Caalamka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda arrimaha dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Muqtaar Mahad Daa’uud ayaa sheegay inay meel wanaagsan marayaan dhaqdhaqaaqyadii ay Dowladdu ku difaacaysay damaca shirkadda DP-world ee uu fadhigeedu yahay Magaalada Dubai ee Dalka isu tagga Imaaraad-ka Carabta.

Muqtaar Mahad Daa’uud oo u warramayay Wakaaladda Wararka Qaranka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegay inay howluhu yihiin kuwo siyaasasadeed balse uusan ka hor dhacayn, isagoo xusay mar kale inaysan marnaba ka gor-gortamayn midnimada iyo wada jirka Soomaaliyeed oo uu yahay lama taabtaan.

“Markii ugu horreysay ee ay arrintani soo baxday wuxuu Wasiirka wasaaradda aaday Qaahira, jaamacatul Carab ayuu qudbad ka jeediyay fekerka Soomaaliya iyo mabaadii’da Soomaaliyana ayadoo qoraal ah ayuu u gudbiyay arrintaasi way socotaa Dublomaasiyad weeye kama hordhacayo laakiin arrinta Soomaaliya waa lama taabtaan” ayuu yiri wasiir ku xigeenka.

Wuxuu sheegay wasiirku inay Diblomaasiyaddu tahay siyaasad iyo deggenaasho, balse aysan adeegsan doonin laab la kacnimo, balse taa dhiggeeda ay adeegsan doonaan deggenaasho iyo ka fiirsasho, wuxuuna ku cel-celiyay inaysan Soomaaliya marna taako ka mid ah Dhulkeeda ay ka tagayn, Dowladdana ay howshaasi waddo.

Wasiir ku xigeenka ayaa dhanka kale sheegay xurgufta soo kala dhex gashay Dowladda Federaalka iyo Shirkadda DP World inaysan wax u dhimi doonin wada hadalladii kala dhexeeyay Soomaaliland, wuxuuna intaa raaciyay inay wada hadalkan ay gar wadeen ka tahay Dowladda Turkiga.

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan meel mariyay xeerka dhowridda midnimada iyo gobannimada geyiga Soomaaliyeed, kaasoo Dalka ka mamnuucaya shirkadda DP-World ee laga leeyahay Dalka Imaaraad-ka Carabta.

Previous Post

Horjooge ka tirsan Al-shabaab oo isku soo dhiibay ciidamada Dowladda

Next Post

Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Next Post
Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Sawirro+Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda JFS oo gaaray Dalka Sacuudiga

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

Hay’adda Qaxootiga Dunida oo walaac ka muujisay joojinta Giriigga ee codsiyada magangalyo doonka

July 11, 2025
0

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga (UNHCR) ayaa Khamiistii walaac xooggan ka muujisay wax ka beddelka sharci ee loo gudbiyay...

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

Madaxda Galmudug iyo Safiirka Turkiga oo ka hadlay hagaajinta Kaabayaasha dhaqaalaha

July 11, 2025
0

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa la kulmay Safiirka dowladda Turkiga u qaabilsan arrimaha Dalka Soomaaliya ee...

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

Wasaaradda caafimaadka oo boogaadisay doorka haweenka ay ku leeyihiin horumarka dalka

July 11, 2025
0

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee XFS Dr. Maxamed Xasan Bulaale ayaa ka qeybgalay kulan looga hadlaayey...

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan muhiim ah la yeeshay dhigiisa Dalka Nigeria

July 11, 2025
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee XFS Mudsne. Abdisalam Abdi Ali, ayaa kulan wax ku ool ah la qaatay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In