Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ee ku sugan Dalka Masar ayaa la kulmay ganacsatada Afrikaanka ah iyo masuuliyiinta wadamada Afrika qaarkood, waxa ay ka wada hadleen iskaashiga dhinaca ganacsiga.
Wasiirka Wasaarada qorsheynta,maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Xukuumada Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan oo ka mid ahaa wafdiga madaxweynaha ee shirkaasi ka qeybgalay ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay imaan doonaan ganacsato Afrikaan ah si ay maalgashi ugu sameeyaan.