Saturday, March 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in weerarada ka dhan ah Shabaab la joogteyn doono

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Wasiirka warfaafinta oo ka hadlay weerarka argagixiso ee lagu qaaday hotel Saxafi “Dhageyso”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in la adkeeyay ammaanka Dalka, wixii ka dambeeyay weeraradii maleeshiyada Al-Shabaab ay ka geysteen qeybo ka mid ah Dalka.

Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in la adkeeyay ammaanka dalka, wixii ka dambeeyay weeraradii argagixisada Shabaab ay ka geysatay magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026

Iyada oo toddobaadyadii u dambeeyay ay jiraan duqeymo lagu bartilmaameedsanayo Saldhigyada Shabaab ayaa Wasiirka, waxa uu sheegay in ay sii socon doonaan duqeymahaasi si dalka looga saaro argagixisada.

Wasiirka Warfaafinta ayaa ka codsaday shacabka Soomaaliyeed inay labo jibaaraan taageerada ay siinayaan ciidamada ammaanka ee dowladda, si looga hortago dhagarta ay maleegayaan maleeshiyada Al-Shabaab.

“Ciidamada dowladda oo kaashanaya dowladaha aan saaxiibka nahay, waxa ay jab xoogan u geysteen argagixisada Al-Shabaab, wayna sii socon doonaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyada Al-Shabaab, waxaana shacabka ka codsaneynaa inay la shaqeeyaan ciidamada amniga” ayuu yiri Wasiirka Amniga.

Wasiirka ayaa hadalkaan jeediyay kaddib markii isaga iyo mas’uuliyiin kale ay shalay kormeer ku tageen Garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay kasoo degtay Diyaaradda Jubba, kadib qaraxii Daallo.

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Kulamo lagu xoojinayo amniga oo ka socda Wanlaweyn

Next Post
Kulamo lagu xoojinayo amniga oo ka socda Wanlaweyn

Kulamo lagu xoojinayo amniga oo ka socda Wanlaweyn

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheikh oo xarig jaray waddada isku xirta Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah xarigga uga jaray, waddada laamiga ah...

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

Soomaaliya oo markii ugu horreysay ka qayb gashay Shir-sanadeedka Xuquuqda Aadanaha ee Dalladaha IGAD

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Bishoftu,Ethiopia):-Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qayb gashay shir-sanadeedka Dalladda Hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee waddamada urur gobolleedka IGAD oo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta xarigga ka jari doona waddada xiriirisa Isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha JFS ayaa maanta xarigga ka jaraya wadada laamiga ah ee xiriirisa isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha, taas oo maamulka...

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya oo u soo gudbay wareegyada soo socda ee tartan-ciyaareedka Qaramada Africa-2027

March 28, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Maputo):-Xiddigaha Xulka Qaranka Soomaaliya ee kubadda cagta, ayaa galabta ciyaaray kulan muhiim ah oo qeyb ka ah isreeb-reebka hordhaca...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In