Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 weeks ago
in Wararka
0
DOWLADDA SOOMAALIYA OO SI ADAG U CAMBAAREYNEYSA SOO NOQOSHADA BURCAD-BADDEEDKA, UNA YEERTAY ISKAASHI IYO TAAGEERO CAALAMI AH.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa soo noqoshada falalka burcad-badeednimada ee ka dhacaya xeebaha Puntland ee Soomaaliya.

Tan iyo bishii Abriil 2026, waxaa dhacay weerarro iyo afduub loo geystay maraakiib ganacsi, iyadoo qaar ka mid ah dhacdooyinkaas ay ku fidiyeen Gacanka Cadmeed.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay marwaliba garab taagan tahay shaqaalaha maraakiibta ay saameeyeen falalkaan iyo qoysaskooda, waxayna ku baaqaysaa in si degdeg ah oo shuruud la’aan ah loo sii daayo dhammaan badmaaxiinta weli gacanta ku hayaan kooxaha burcad-badeedka ah.

Ciidamada Soomaaliyeed waxay tallaabooyin ka qaadayaan shabakadaha burcad-badeedka, kuwaas oo ka hawlgala badda iyo dhulkaba.

Tallaabadii ugu dambeysay ayaa ahayd hawlgalkii lagu soo furtay markabka xamuulka ah ee MV Lutuf, kaas oo burcad-badeeddu afduubteen, waxaana markabka la soo furtay 29-kii Agoosto, Hawlgallo intaasi dheerna way sii socon doonaan.

Iskaashiga amniga badda ee Soomaaliya waxaa lagu fuliyaa iyadoo lala kaashanaayo Dowladda Federaalka, waxaana lagu wadaa isku duubni ay la leeyihiin Dowlad goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo lagu shaqeynaayo hannaan qaran oo amni ah isla markaana mideysan oo leh isla xisaabtan cad.

Saaxiibbada Soomaaliya waxay Dowladda Soomaaliya ku soo dhaweynaysaa inay taageeraan ciidamada Soomaaliyeed ee ilaalada iyo amniga badda, iyagoo adeegsanaya hannaankaan.

Kheyraadka badda Soomaaliya waxaa lagu maamulaa sharciga Soomaaliyeed, halka kalluumeysiga sharci darrada ah, aan la soo sheegin iyo kan aan nidaamsanayn (IUU Fishing) uu xadgudub ku yahay xuquuqda madaxbannaanida Soomaaliya ee ku cad Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badda (UNCLOS).

Sida ku cad Qodobka 100-aad ee Heshiiska, dhammaan dowladuhu waxaa waajib ku ah inay iska kaashadaan la dagaallanka iyo ciribtirka burcad-badeednimada, Iyadoo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay hadda tahay xubin ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, waxay arrintaan khatarta ah horgeyn doontaa Golaha Ammaanka, waxayna si dhow ula shaqeyn doontaa saaxiibbadeeda laba geesoodka ah, kuwa gobolka iyo kuwa caalamiga ah, oo ay ku jiraan iskaashiga lagu sameeyo Xeerka Anshaxa Jabuuti (Djibouti Code of Conduct) iyo Wax ka beddelka Jeddah (Jeddah Amendment), si loo sii daayo badmaaxiinta ay saameeyeen falalkaan loona burburiyo shabakadaha burcad-badeedka ah.

Dowladda Soomaaliya ma oggolaan doonto in biyaha dalkeedu noqdaan meel ay gabaad ka dhigtaan kuwa gala dambiyada baddaha.

Previous Post

TALIYAHA CIIDANKA XOOGGA DALKA OO BOOQDAY TALISKA QAYBTA 1-AAD EE GORGOR

Next Post

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Next Post
Wasaaradda  Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Wasaaradda Duulista Hawada JFS oo Raalligelin ka Bixisay Dhacdadii Shirkadda Salam Air, Ballanqaadayna Tallaabooyin Sharci ah

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Kenya

October 3, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa Magaalada Arusha ee Dalka Tanzania kulan...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In