Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo si diiran u soo dhawaysay aqbalaadda Maraykanka safiirka cusub ee Soomaaliya

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
6 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo si diiran u soo dhawaysay aqbalaadda Maraykanka safiirka cusub ee Soomaaliya
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Warkan ka soo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay soo dhaweynaysaa aqbalaadda waraaqaha aqoonsiga ee uu Madaxweynaha Mareykanka Donald J. Trump kaga guddoomay Aqalka cad danjiraha cusub ee Soomaaliya ee Washington Mudane Ali Shariif Axmed kaasoo loo igmaday inuu sii dardargeliyo xiriirka saaxiibtinnimo ee tariikhiga ah, iskaashiga istaraatiijiyeed iyo wax wada qabsiga ee faaโ€™iidada u leh labada dal, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeduba waxay Dowladda Mareykanka u arkaan isbahaysi adag iyo saaxiib kaalin mug leh ka qaadanaya horumarka iyo hurosocodnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Washington wuxuu hore u soo noqday Danjiraha dalalka Faransiiska, Itoobiya. Wuxuu sidoo kale ahaa Wakiilka Joogtada ah ee Soomaaliya u qaabilsan Midowga Afrika iyo Golaha Dhaqaalaha Qaramada Midoobay ee Afrika (UNECA).

Related posts

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026

Marka laga soo tago waaya aragnimadiisa dhanka dowladda, Danjire Axmed wuxuu soo noqday maamule sare, ganacsade iyo la-taliye shirkado iyo hayโ€™ado caalami ah. Danjirihu wuxuu Shahaadada 2-aad ka qaatay Jaamacadda Sussex ee dalka Ingiriiska, halka uu shahaada 1-aad uu ka qaatay Jaamacadda London Metropolitan ee isla dalkaas isaga oo ku takhasusay Culuumta Siyaasad-dagaleedka (Geopolitics) iyo Istiraatiijiyadda iyo sidoo kale Daraasaadka Nabadda iyo Khilaafaadka sida ay u kala horreeyaan.

Dowladda Soomaaliya waxay ku kalsoontahay in Danjire Axmed uu u gudan doono waajibaadkiisa shaqo e ah sidii uu usii xoojin lahaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo fursadaha casriga ah ay labada dhinac ka wada faaโ€™iideysan karaan.

Previous Post

Dadkii Al Shabaab ku dhibaateen Qoryooleey oo Dowladda Gargaar gaarsiisay

Next Post

Sacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya marinada biyaha ee Bariga Dhexe

Next Post
Sacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya marinada biyaha ee Bariga Dhexe

Sacuudiga oo ku biiraya isbaheysi ka howlgalaya marinada biyaha ee Bariga Dhexe

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Nairobi ka furay Shirka Dib-u-Eegista Dhexe ee Mashruuca EA-RDIP

January 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyadda Soomaaliya, mudane Maxamed Aadam Macallim Soomaali, ayaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya ka furay Shirka...

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In