Monday, September 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysey Zakariya inuu nabadda qaatay

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo soo dhoweysey Zakariya inuu nabadda qaatay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Anigoo ah Zakriya Ismaaciil Xirsi – Zaki ku magac dheer. Maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Jan 2015 (Talaado), Sidaad la socotaanba waxaan ahaan jiray xubin ka tirsan ururka Alshabaab. Oo aan masuuliyado kale duwan oo aan ka soo qabtay hogaanka sare ee ururka.

Waxaan rabaa inaan ka hadlo arimo dhawr ah oo in muddo ah soo jiitamayay, oo uu Ilaahay (Caza Wa Jalla) maanta na waafajiyay.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Hadaan dib ugu noqdo ujeedooyinkii hore ee ururku ku bilowday, oo ahaa kuwo dad badan oo niyad wanaagsan soo jiidan karay. Laakiin nasiib darro, waxaa dhacday in laga leexday ujeedooyinkaas oo ay majarahabaabiyeen shaqsiyaad watay dano gaar ah oo gurracan, faragalin iyo aragti shisheeyana aysan ka marnayn.

Xaaladuna waxay ku danbaysay in:-
1- in laga beensheego ku dhaqankii shareecada laguna dhacay xadgudub diineed.
2- Midnamadii iyo wada tashigii ururka oo meesha ka baxay.
3- Xariirkii bulshada oo xumaaday loona turi waayay.
4- Dulmi iyo xadgudub badan oo loo gaystay bulshada iyo dad badan oo ururka ka tirsanaaba.
5- In Jihaadkii la marin habaabiyay, loona rogay mid shacabkii lagu beegsado dhiigga muslimkana lagu xalaashaday.

Waxaa xaqiiqa ah in fikirkaas qaloocan uu ku koobanyahay rag fara kutiris ah oo hogaanka ururka kamid ah, waxaana jira dad badan oo an qabin arinkaas kuna qanacsanayn sida wax u socdaan.

Haddaba waxaan cadaynaayaa maanta wixii ka danbeeya in aan xubin ka ahayn Ururka Al-shabaab, mabaadiidayda iyo fikirkayga aan ku gudbisan doono qaab nabadeed iyo isfaham; oo aan ka tanaasulay inaan dagaal iyo colaad wax ku xaliyo.

Waxaan ugu baaqayaa kuna dhiiri galinayaa ragga saaxibaday ah in si wadahadal iyo nabadgalyo ah wax lagau xaliyo maadaama uu ururkii ku yimid burbur iyo kala tag, anigana halkan waxaan u imid sidii aan arinkaa ooga howl gali lahaa.

Ugu danbayn, waxaan u mahadcelinaayaa dawladda soomaaliyeed sida qadarinta iyo xushmada mudan ee ay noo soo dhaweeysay. Waxaa an aad ugu faraxsanahay in manta ay jirto Dawlad Somaliyeed oo sharciya oo danaynaysa xuquuqda dhamaan bulshada Somaliyeed.

Waxaan halkan ka cadaynayaa in aan waxba ka jirin aragtida ay dadbadan oo ururka ka mid ahi aaminsan yihiin in dawladu ku xadgudubto xuquuqda muwaadinka, iyo in loo gacangeliyo gacan shisheeye

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Next Post
Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay”Sawiro”

Shirka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliya looga hadlayay oo Muqdisho lagu qabtay"Sawiro"

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In