Sunday, September 13, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaannada ay colaad beeleedyada ka dhaceen “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
8 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya oo wafdi u dirtay deegaannada ay colaad beeleedyada ka dhaceen “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira labada Gole ee Dowladda Soomaaliya oo ka ambabaxay magaalada Muqdisho ayaa galabta gaaray degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

 

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Ujeedka Wafdigan ka socda Dowladda Federaalka ayaa wuxuu yahay sidii ay u kala dhex geli lahaayeen beelaha walaalaha ah ee ku dagaalamaya deegaanka Kaxandhaale ee Gobolka Galgaduud iyo deegaano hoostaga degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wafdiga uu wasiirka hoggaaminayo ayaa ku hormaraya degmada Gelisoor,iyagoona uga sii gudbayo deegaanka Kaxandhaale si ay u qeyb kaga qaataan joojinta colaadda halkaas ka taagan.

“ Arrinta galabta aan u socono waa colaadii ka dhacday dhinaca Gelinsoor,gaar ahaan ka dhacday agagaarka meesha la yiraahdo Kaxandhaale,soo noqodkeenna waxaan geli doonaa oo aan xal ka raadin doonaa labada beelood ee ku diriraya xuduudka Hiiraan iyo Galgaduud oo ciidanka Qaranka loo diray rajo weyna aan ka qabo iney kala dhex galaan labadaasi ciidan,” ayuu yiri Wasiirka arrimaha gudaha oo warbaahinta la hadlay ka hor inta aysan wafdiga garoonka Aadan Cadde ka ambabixin.

Sidoo kale, Wasiirka arrimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya gacan ka geysaneyso sidii dadka ku dhaawacmay dagaalka dhexmaray beelaha walaalaha ah u heli lahaayeen daryeel caafimaad lana soo qaadi doono,wuxuuna tacsi u diray ehalada dadkii ku geeriyooday dagaalada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Ra’iisal wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xil iska saaray nabadeynta beelaha colaada ku dhexmareyso deegaanada Galmudug iyo Hirshabeelle.

Previous Post

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka dooday Miisaaniyadda sanadka 2019-ka

Next Post

Golaha Aqalka sare oo ka shiray colaadda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka “SAWIRRO”

Next Post
Golaha Aqalka sare oo ka shiray colaadda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka “SAWIRRO”

Golaha Aqalka sare oo ka shiray colaadda ka taagan qaar ka mid ah gobollada dalka "SAWIRRO"

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In