Saturday, September 5, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Hawlgallo guulaystay oo ay iska kaashadeen Sirdoonka Qaranka iyo saaxiibadooda caalmiga ah ee taageera ayaa lagu laayay horjoogayaal iyo maleeshiyaad ka tirsan khawaarijta Alshabaab, waxaana lagu burburiyay Gaadiid u siday saanad ciidan iyo walxaha qarxa 48-dii saac ee la soo dhaafay.

Hawlgalladaan waxa ay ka dhaceen deegaanka Masaajid Cali-guduud iyo Bur-colow oo sidoo kale loo yaqaano Doolile oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026

Hawlgalka Koowaad waxaa la fuliyay Sabti 22-kii October waxaa lagu beegsaday garaash iyo guri ay ku shirayeen horjoogayaal iyo maleeshiyaad, waxaa lagu dilay 21 argagixisada ka tirsan oo ay ku jiraan horjoogayaal uu ka mid ahaa Horjooge Cabdullaahi Cali Caraale.

Hawlgalka labaad waxaa uu dhacay 23 bisha oo shalay ahayd 3:30pm galabnimo waxaana laga fuliyay nawaaxiga magaalada Masaajid Cali Gaduudd goob bartimaameed gaar ah u ahayd Hay’adda NISA waxaana lagu dilay 11 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ah iyadoo lagu dhaawacay in ka badan 30 kale oo halkaas ku sugnaa.

Hawlgalka seddexaad ugana xoogganaa wuxuu dhacay xalay 9:40pm, 10:25pm, 10:43pm, 12:00am saq-dhexe, waxaana uu ka dhacay deegaanka Bur-coloow dadka qaarna u yaqaanaan Doolile oo Maasjidka Cali-guduud u jira 10km dhanka galbeed halkaas oo farriisan weyn u ahayd argagixisada, waxaa goobta weerarka ku sugnaa kooxda jabhada oo uu hogaminayay horjooge Muscab Cabdulle Saneey iyo horjoogayaal kale oo qorsheynayay weerar ay ku soo qaadaan Ciidanka Qaranka iyo xaq u dirirka u taagan kacdoonka ka dhanka ah.

       Weerarada xalay dhacay:

 

Weerarka Koowaad, waxaa lagu beegsaday gaari weyn oo nuuciisu yahay Biijii oo ay u saarneed rasaas iyo saanad ciidan oo argagixisado lahaayeen halkaas ayaana si guul ah loogu burburiyay Gaarigaas iyo Agabkii saarnaa.

Weerarka labaad ee isla xalay daqiiqado ka dib dhacay waxaa lagu beegsaday gaari kale oo Biijii ah oo saarnaayeen walxa qarxaha oo aad u xoogganaa, waxaana qaraxiisa laga maqlay deegaano fog fog, isaga oo saameeyay in ka ka badan 1km dhul gaaraya, wuxuu baabi’iyay dhammaan maleeshiyadii ka ag dhowaa, waxaana meydadkooda la aqoonsaday 9 kamid ah maleeshiyaadka khawaarijta horjoogayaashooda halkaas ku sugnaa, iyadoo intooda badan la aqoonsan waayay maydadkooda maadaama ay aad u gubteen. iyo

Weerarka Seddexaad waxaa lagu beegsaday maleeshiyaadkii ka firxaday weerarada hore ee ka dhacay Bur-coloow kuwaas oo iyaga oo is uruursanaya la baabi’iyay.

Dawladdu waxeey aaminsantahay in tirada dhimashada ee Khawaarijta ka soo gaaray hawlgaladaas uu kor u dhaafayo Boqol, waxayna wali uruursanayaan maydadkooda, iyagoo saaka 00 kaliya geeyay deegaanka Al-kawthar oo u dhaw Aadan-yabaal maydadka 33 Maleeshiyo.

Hawlgalkaan waxaa suura galiyay xog dhameystiran oo ay haysay Hay’adda sirdoonka iyo Nabad-suggidda Qaranka ee NISA oo kaashanaysa saaxiibadeena caalamka oo aan uga mahadcelinayno taageeradooda.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa shacabkeeda iyo saaxiibada caalamka waxaa ka go’an ciribtirka maleeshiyada Khawaarijta ah ee Al-shabaab, dhalinyarada ay qaldeen waxa ay dowladdu ugu baaqaysa in ay isi soo dhiibaan si naftooda ay uga bad-baadsadaan hawlgalkan wadajirka ah.

Tags: Dowladda Soomaaliya Oo War Kasoo Saartay Dagaalka Shabeelaha Dhexe
Previous Post

Ergayga Abaraha Oo Ka Qeyb-galay Shirka Caalimiga Ee Sameeynta Masiibooyinka 

Next Post

Duqa Gaalkacyo Oo Soo Xiray Kafadhii 5aad ee Golaha Deeganka “SAWIRRO”

Next Post
Duqa Gaalkacyo Oo Soo Xiray Kafadhii 5aad ee Golaha Deeganka “SAWIRRO”

Duqa Gaalkacyo Oo Soo Xiray Kafadhii 5aad ee Golaha Deeganka "SAWIRRO"

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

Hay’adda SoDMA oo deeq raashin ah u qeybisay qoysas ku dhaqan Gobolka Bari

September 3, 2026
0

Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) ayaa gaarsiisay deeq gargaar raashin ah kumannaan qoys oo nugul oo ku nool deegaanno...

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka oo kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda

September 3, 2026
0

Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS) ayaa maanta kulan wada-tashi ah la yeeshay Ururrada Siyaasadda, kaas oo diiradda...

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

Soomaaliya iyo Qadar oo kala Saxiixday heshiis Iskaashi

September 2, 2026
0

Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya iyo Jaamacadda Doha ee Sayniska iyo Tiknoolajiyada (UDST) ayaa magaalada Doxa ku...

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

Shaqaalaha Duulista Kenya oo soo afjaray shaqo-joojin laba maalmood socotay

September 2, 2026
0

Shaqaalaha duulista Kenya ayaa Talaadadii soo afjaray shaqo-joojintii laba maalmood socotay, kaddib markii ay heshiis la gaareen dowladda iyo hay’adaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In