Sunday, July 6, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
March 5, 2018
in Wararka
0
Dowladda soomaaliyeed oo dhexda u xiratay Samatabixinta soomaalida ku dayacan dalka dibaddiisa
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Macnaha erayga Dowlad waa habdhis(System) kana kooban unugyo habaysan oo xukuma, ilaaliya, Xadeeya, xalliya dhammaan habdhaqanka bulsho meel ku wada nool.

Tan iyo intii ka danbaysay burburkii dalka ka dhacay waxaa dayacmay dhammaan dalkii iyo dadkii Somaaliyeed, kuwaasi oo waayay Wehelkii dowladnimo oo ay dugsan jireen.

Related posts

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

July 6, 2025

Dayacaadda dhinacyada badan ee dalka soo wajahay waxaa ka mid ah dad badan oo Soomaaliyeed oo ku abaaday xabsiyo dalal shisheeye,isla markaana waayay cid u doodda oo ka soo samatabixisa duruufahaas qallafsan oo ay mudada dheer ku jireen.

Inkastoo dhibaatooyin adag oo aan qoraal lagu soo koobi Karin ay muwaadiniinta Soomaaliyeed ku haysteen dal iyo dibadba ayaa waxaa nasiib wanaag noqotay in 8dii Feberuary talada dalka loo doortay Madaxwayne Max’ed C/llaahi Farmaajo oo hirgaliyay Nidaam hal ku dhiggiisu yahay Nabad iyo Nolol, isagoo durbadiiba magacaabay Ra’iisalwasare Xasan Cali khayre oo isna soo dhisay xukuumad ka kooban xubno karti iyo dal jacayl ku sifoobay, tallaabooyinkii ay durbadiiba ku tallaabsadeen xukuumadda waxaa ka mid ahaa dhexda u xirtay baadi goobka dadka Soomaaliyeed ee ku dayacan daafaha dunida.

Horumarada xukuumadda soomaaliyeed taabbagalisay, isla markaana shacbiga Soomaaliyeed ku diirsadeen waxaa ka mid ah haybaarinta iyo u doodidda Maxaabiis Soomaaliyeed oo muddo dheer ku jiray xabsiyo dalal shisheeye,maxaabiistaasi ay dowladdu u gurmatay, islamarkaana soo gurya noqday waxaa ka mid ah 76 muwaadiniin Soomaaliyeed oo muddo dheer ku xirnaa dalka India, kuwaasi oo dhawaan ka soo dagay gegida diyaaradaha magaalada Muqdisho.

R/wasaare ku-xigeenka Dalka ahna kusimaha R/wasaaraha Mudane Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar) oo ay wehliyaan mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Wasiirka Cadaaladda  ayaa Garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhaweeyey maxaabiistaasi Soomaaliyeed.

Maxaabiistani Soomaaliyeed ayaa markii ay ka soo degeen Garoonka waxaa ay muujiyeen sida ay ugu faraxsanyihiin in ay yimaadaan dhulkooda Hooyo,iyagoo uga mahadceliyay Dowladda Soomaaliya dadaalka ay u gashay siideynta muwaadiniinteeda oo ku xir-xiran xabsiyada caalamka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare kuxigenka Dalka oo lahadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay yihiin maxaabiistan tiradii ugu dambeysay ee Ku harsaneyd Hindiya,wuxuu xusay in guud ahaan 120 ay ahaayeen,horey waxaa loo soo daayay 41 qof,3 kalena ay xabsiyada ku geeriyoodeen,76-na maanta la keenay,sidaasina ay noqonayso in gebi ahaanba maxaabiista Soomaaliyeed ee ku jirtay Xabsiyada Dalkaasi la soo daayay.

Dhawaan ayaa xabsiyada kuyaalla dalka Liibiya waxaa laga soo daayay maxaabiis farabadan oo Soomaali ah,kuwaasi oo gacanta ugu jiray kooxaha looyaqaanno Magafayaasha Dalkaasi, oo dhibaatooyin u geysta dadka Tahriibayaasha ah.

Dowladdad Soomaaliya ayaa dadaal xooggan ugu jirta sidii guud ahaan loo soo dayn lahaa maxaabiista Soomaaliyeed oo siyaabo kala duwan ugu kala xiran xabsiyo kuyaal wadamada Caalamka.

Ra’iisal wasaare ku xigeenka ayaa yiri “Tan iyo intii xukuumaddaan Nabad iyo Nolol la dhisay waxay dadaal dheer u gashay sidii maxaabiista Soomaaliyeed loogu soo celin lahaa dalkooda hooyo, taasi oo lagu ammaani karo xeer ilaaliyaha guud ee qaranka iyo Wasaaradda arimaha dibadda sida heshiiska iswaydaarsiaga maxaabiista oo golaha wasiiradu uu meel mariyay kadibna loo gudbiyay golaha shacbiga oo ansixiyay sharcina ka dhigay, waxaa maxaabiistaan maanta aan soo dhawaynayno ka horeeyay kuwa laga soo daayay dalalka Seychelles,Ethopia iyo Liibiya.

Arintaan muhiimadeeda waxaa garan karo dhallinyaradaan mudada xabsiyada dalalka shisheeye ku xirnaa ee maanta iyagoo xor ah dalkooda hooyo ku soo noqday, waxaanan mahad u celinayaa dhammaan Madaxdii Soomaaliyeed ee howsha adag u galay sidii dhalinyaradaan xoriyadooda u heli lahaayeen.

Waxaa kale oo iyana halkaasi ka hadashay Safiirddaa Soomaaliyeed ee India Abyan Max’ed Saalax oo  dhalinyaradaasi la soo daayay ka soo raacday India waxayna sheegtay in tirada guud ee maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xirnaa xabsiyada Hindia ay ahaayeen 120 maxbuus, waxaa intii xabsiyada Hindia ku jireen ku geeriyooday 3, waxaa horay loo keenay 41 iyo 76 hadda la soo daayay, Safiiradda waxay u mahadcelisay dhamaan intii ka qayb qaadatay in arintaan lagu guulaysto gaar ahaan labada aqal ee Baarlamaanka iyo xukuumadda Soomaaliya.

Dhalinyaradaan dalka lagu soo celiyay waxay ku xirnaayeen dalka India muddo 7 sano ah, waxaana qareenno u dooda u qabtay dowladda Soomaaliya kuwaasi oo kaalin wayn ka qaatay suurtagalnimada in ay xoriyaddooda helaan.

Heshiiska maxaabiis isku celinta dowladda Soomaaliya la gashay dowladda India wuxuu noqon doonaa mid labada dowladood ku wada shaqayn doonaan oo ay isku waydaarsan doonaan maxaabiista.

Waxaa  sidoo kale warbaahinta kula hadlay garoonka Aadan Cadde dhalinyaradii maxaabiista ee laga keenay hindia waxayna halkaasi ka yiraahdeen hadallo qiiro, hiloow iyo dal jacayl ka muuqdo, qaar ka mid ah dhallinyarada ayaa markay cagaha soo dhigeen ciidda dalka hooyo waxay la dhaceen Sujuudul- Shukri, qaar way ilmaynayeen farxad daraareed waxayna u mahad celiyeen Allaha wayn iyo dhamaan intii ka qayb qaadatay inay dib u helaan xoriyaddooda oo ugu horeeyo Madaxwaynaha J.F.S  Md Max’ed C/llaahi Farmaajo,Ra’iisalwasaare Xasan Cali khayre iyo dhammaan masuuliyiintii dadaalka badan galiyay in ayagoo xor ah dalkooda hooyo ku soo noqdaan.

W/D:- Gobdoon

 

Previous Post

Shir looga hadlayo Barakacayaasha iyo Qaxootiga oo Muqdisho ka furmay

Next Post

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo shaaciyay waqtiga uu furmi doono kala fadhiga 3-aad ee Labada Aqal

Next Post
Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo shaaciyay waqtiga uu furmi doono kala fadhiga 3-aad ee Labada Aqal

Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka JFS oo shaaciyay waqtiga uu furmi doono kala fadhiga 3-aad ee Labada Aqal

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

Wasiirka arrimaha guddaha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Isu Duwaha QM ee Arrimaha Gargaarka

July 6, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Isu...

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

Guddiga Qaban-qaabada Todobaadka Xorriyadda oo qabtay xaflad lagu abaal-marinayo xubnihii ka qeyb qaatay dabaal-degyada

July 6, 2025
0

Guddiga Qaran ee Qaban-qaabada Toddobaadka Xorriyadda ee soo agaasimay munaasabadihii waaweynaa ee dalka ka dhacay ayaa galabta qabtay xaflad ay...

Ciidanka Xoogga Dalka oo weerar lagu dhabar jebiyay Khawaarijta ka sameeyay gobol Bakool

Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed oo hawlgal ka wada deegaannada gobolka Hiiraan

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO(HIIRAAN): Ciidamada Qaranka Soomaaliyeed iyo geesiyaasha dadka deegaanka ee gobolka Hiiraan oo iskaashanaya ayaa saakay Khawaarijta ku weeraray deegaanka...

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

Madaxweyne Laftagareen oo dhagax dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed

July 5, 2025
0

RADIO MUQDISHO (BAYDHABO):Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macalimiinta Koonfur Galbeed oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In