Friday, October 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Dowladda Sweden oo $4 Milyan doolar ugu deeqday dib-u-dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka  “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Dowladda Sweden oo $4 Milyan doolar ugu deeqday dib-u-dhiska Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka  “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

August 15, 2015 – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa heshiis is-faham (Memorandum of Understanding –MOU) la gashay Dowladda Sweden, kaasi oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyadoo ay wada galeen mas’uuliyiinta Wasaaradaha Maaliyadda, Caafimaadka, Hawlaha Guud iyo Guryaynta iyo mas’uuliyiin ka socotay Dowladda Sweden iyo Hay’adda UN-ka ee UNPOS oo iyadu fulin doonto Mashruuca dhismaha.

Dowladda Sweden oo ka mid ah wadamada caawiya Soomaaliya ayaa Mashruuca dhismaha labada Wasaaradood ugu deeqday lacag dhan $4 Million oo Doolar.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Heshiiskan ayaa dhigaya dib-u-dhiska xarumihii Wasaaradaha Maaliyadda iyo Caafimaadka oo sanadooyin badan burbursanaa. Labada Wasaaradood ayaa in muddo ah dhib ka heystay xafiisyo la’aanta, iyagoo shaqaalahooda aysan heysanin goobo shaqo oo ay ku fuliyaan hawlihii loo idmaday.

Dhismaha cusub ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa waxaa laga hirgelin doonaa degmada Shangani (xaruntii hore ee Aspima), halka kan Wasaaradda Maaliyadda uu ka soo horjeedo Hotel Curuba.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Maxamed Aadan Ibraahim (Farkeeti) ayaa sheegay in maalgelinta dhismooyinka ay wax-weyn ka taridoonto habsami u socodka shaqada Wasaaradaha, wuxuuna mahad celin gaar ah u jeediyay Dowladda Sweden dadaalka ay ku bixinayso xaqiijiinta dib-u-dhiska xaruumaha dowliga ah.

Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Drs Xaawo Xasan Maxamed ayaa iyana dhankeedka u mahad celisay Dowladda Sweden waxay tilmaantay in mashruucan uu yahay mid la taaban karo oo wax weyn ka bedeli doono waxqabadka Wasaaradaha.

Geba gebadii Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Sweden ee Soomaaliya Urban Sjostrom ayaa sheegay in dowladiisu ay mar walba garab taagan tahay Soomaaliya, mashruucan uu yahay mid sii xoojinaya xiriirka labada dal.

Dib u dhiska labada Wasaaradood ayaa la qorsheeyey dhismahooda in la soo geba gebeeyo horaanta sanadka cusub 2016, haduu Ilaahay idmo.

glaxy 6 009 glaxy 6 014 (1) IMG_0476

Previous Post

Olole nadaafadeed oo markale ka bilowday Gaalkacyo “SAWIRRO”

Next Post

Dar dargelinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo laga hadlay

Next Post
Jawaabta Dowladda Federaalka ee ku aaddan baarista SOMA

Dar dargelinta hufnaanta Maamulka Maaliyadda oo laga hadlay

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In